Isku-daygii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya kula Dagaalamayso MOU-gii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaalilaan. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Iyada oo aynu ka wada dhargsanayn in madaxdii Soomaaliya ay joog iyo jiif seegeen, ayaa haddana waxa soo baxay firfirtii ugu dambaysay ee ay ku kacaan.
= Kooxdii uu hogaaminaayey Raysal wasaaraha Soomaaliya ee ka qaybgashay shirweynihii Qaramada Midoobay ee maanta la soo gebgabeeyey, ayaa warbixin gudbiyey. Warbixinta waxa ugu cuslaa uguna mihiimsanaa in Itoobiya aan ciidamadooda lagu dari karin ciidamada cusub ee beddeli doona hawlgalka Atmis ee wakhtigiisu sannadkan ku eeg yahay, haddii aanay Itoobiya ka bixin heshiiskii MOU-ga Soomaalilaan. Warbixinta waxa ay ku socodsiiyeen Qaramada Midoobay iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Soomaaliya caawiya.