Daryeelka iyo Xuquuqda Macallinka
W/Q-Abdifatah M.Ahmed
Xirfadda macalliminadu waxa ay noqotey Somaliland Mid aan laheyn mustaqbal fog oo shaqo,Waxa ay noqotey Shaqo aan laheyn daryeel iyo xuquuq shaqaallenimo oo dhammeystiran,Waa xirfad qof kasta iska geli karo oo aan laheyn cid u gaar ah isla markaasina looga shaqeysan karo Si sharciga waafaqsan iyo si baal marsan intaba.Meelaha laga qiimeynaayo tayada waxbarashadda dalka ayaaney ka mid tahay in la eego lana darasadeeyo macallimiinta wax dhiggeysa ee soo saara jiilalka soo baxaya.Calaamadaha digniinta ah ee inoo muuqda ayaaney ka mid tahay in la arkaayo meelo badan Macallimiin iyo Ardey badan oo aan isba dhaamin,ama macallin dhiggaaya wax aanu aqoon buuxda u laheyn.
Macallinimadu Sida ay hadda ku socoto waa shaqada qof kasta oo somaliland jooga saacadu u dhaqaaqo uu soo heli karo,waa Xirfad dad aad u badan oo kala aqoon duwan isla markaasina shaqooyin kale gacanta ku haya haleelkoodun yar yahay ay haddana ku jiraan.waa Shaqo tijaabo ahaan ay dad badani u soo maraan inta ayna ka digo rogan una hayaamin shaqooyinkooda riyada u ah.meelo badana Somaliland Wax weyn looma arko Kaalinta iyo doorka macallinka,Waxaana suurto gal ah in marka ardeyga lacagta laga qaato loo diro loona keeno macallin aan ku habooneyn.
Shan Qoddob oo aan sannadkan u soo xushey in aan kaga hadlo xuska Maalinta Macallinka u asteysan ayey saddexdani ka mid yihiin.
Macallinimadu Waa shaqo aan lagu Raagin
Shaqooyinka aan lagu raagin inta badana lagana wareego ayey adduunka macalliminadu ku jirtaa meelo badan oo dunida ka mid ah somalilandna ay ku jirto,Somaliland jaamacaddaha iyo dugsiyadduba sannaadkii waxa ay lumiyaan barayaal badan oo xirfad leh isagana hayaama shaqadani marka ay waayaan xuquuq shaqaalenimo sida mushahar ku filan,daryeel,xornmo qofnimo,horumarin iwm.Mushkiladaha ay macallimiintu wajahayaan ama shaqada ku arki karaan waxa ka mid ah in dugsiyaddu ay rabaan in ay soo jiitaan iskana dhaadhiciyaan waalidiinta iyo ardeyda kuwaasi oo u ballan qaada in ay bixinayaan waxbarasho tayo leh,ballan qaadkaasina cidda ay rabaan in ay fuliyaan kuna cabiidiyaan waa macallimiinta iyaga oo saara culeysyo ka awood badan shilimaadka yar ee ay bishi siiyaan.
Waxyaabaha kale oo sannad walba sabbaba in xirfladayaal badan ay ka hayaamaan shaqadani somaliland gudaheeda waxa ka mid ah Mushahar la,aan,Mushahar raaga ama is gaadha oo lacagtii inta ay hantilayaal waxbarashadda ganacsi ka dhigtey qaataan dhis iyo nolol ku sameysta Macallimiintana af macaan ku heysta.macallimiin badan somaliland xiiso uma hayaan xirfadooda macallinimo oo niyadu wey ka jaban tahay haddana wey ku sii dhex jiraan shaqadani si ay nolol maalmeed qoys ugu raadsadan,kuwo badan markii ay arkeen sida wax loo wado iyo in dhididkooda uun lagu shaqeysanaayo iyagaaba furtey meelo u khaas ah.
Badqabka iyo Caafimaadka Macallimiinta
Somaliland Macallimiin badani Waxa ay ku qabaan Duruufo badan dhanka barrida iyo maccallinimada sida xuquuq daro qofeed,Mid dhaqaale, Mid horumarin la,aaneed iyo mid Aqoonsi la,aaneed intaba,taasi oo barayaal badan ku keentay in ay fekir joogto ah ka qaadan xaalladaha adag ee ay ku dhex Shaqeynayaan.
macallinku waa Mid Maalin kasta la kulmaya ardey kala duwan oo hab fikirkooda,sida ay wax u baranayaan ,akhlaqiyaadkooda,sheekaddooda,buuqa canaanta iyo cadhada leh kala kulmaaya.Xanaaq iyo Cadho badan oo uu ka qaadi karo jaridooda,ilaabida danahooda,wax akhris la,aantooda,in aaney is dhiirigelineynin,kalsooni daridooda iyo dadaal yaridooda waxa ay uga baahan tahay samir iyo dulqaad badan oo wakhti dheer ah taasi oo macallimiin badan marka dambe maskax ahaan Dhaawacda.
Macallimiin badan waxa niyad jabiya heerka horumarinta shakhsiyadeed ee dugsiyaddooda amma jamacaddooda oo ah mid liita isla markaasina aan siineynin fursaddo ay waxbarashaddooda kor ugu qaadan karaan amma taageero maamul oo aan si haboon xirfaddooda u soo gaadhin.in macallinka masuuliyad adagi saaran tahay oo ardeyda,dalka,waalidka iyo maamulkuba eegayaan ayaa iyaduna ah mid culeyskeeda leh.Waana arin u baahan in laga fekiro niyad jabka iyo dhibaatooyinka badan ee ku socda xirfaddani macallinimo,si guud dal ahaan,maamulayaasha waxbarashadda iyo bulshadda qeybaheeda kala duwanba.
in Macalinkii la tuso in aan loo baahneyn,islamarkaasina si fudud loo bedalan karo oo maanta macallin yahay wax meel kasta laga heli karo ayaa iyaduna ah mid fikir joogto ah ku heysa dad badan oo mihnadi qadarka rabi ku darey ama hibo u leh.Daal,culeys shaqo badan oo garabkooda la saaro iyo fikir joogto ah, ayeyna ka cabanayaan, taasi oo ay u sii dheer tahay shucuurtooda oo inta badan kacsan iyo dhaawac maskaxeed oo ku socda.
ku Shaqeynta wakhtiyo mudeysan oo aan nasasho laheyn,ilaalinta iyo dhawrida manhajka iyo tayada,la qabsiga jawiga waxbarasho ee ku cusub,sixitaanada imitixaanaadka ayaa ah iyaguna kuwo werwer iyo isku buuq joogt ah ku keena macallimiin badan.Dhanka kale horumarka waxbarashada ku socda tayeynta iyo kor u qaadida kaalinta macallinku meel hoose ayey kaga jirtaa taasi oo aad dareemi kareyso in aan meelaha qaarkood wax macno lehba loo arkeynin qofkan wax barayaa ardeyda.Culeysyadaasi maamul ama waxbarasho oo ay ka sii mid yihiin cashar diyaarinta iyo illaalinta wakhtigu ugu danbeyn waxa ay ku keenaan in ay waxba haleeli kari wayaan xitaa naftooda in ay dayacaan oo ay isba ilaawaan.
Waa in la helo Daryeel caafimaad oo si muuqata u illaalinaya badqabka baraha iyo maskaxda Daalan ee macallimiinta.si taasi loo gaadhana waa in ugu horreyn deegaan waxbarasho ku haboon la sameeyaa sidoo kalena laga fekiro,siminaaro iyo tababaro la xidhiidha xoojinta niyada iyo caafimaadka macallinka in loo qabto,wakhtiyada fasaxa la galo iyo inta sannad dugsiyeedku socdaba si barnaamijyadaasi kor loogu qaado firfircoonida,tayada,horumarka iyo caafimaadka macallimiinta.
Macallimiinta badan ee ku dhex dhaca caalamka balwadahana waa in siyaasad iyo sharci ardeyda ka fogeynaaya dugsigu/jaamacaddu ka yeellaata,iyada oo haddana la ogsoon yahay in barayaal badan waxa balwadaha sida jaadka iyo sigaarka ugu wacani ay tahay niyad jab ay shaqada lafteedu ku heyso.baruhuna waa in uu ogaada in sannad kasta ay ugu dhintaan balwadahaasi kuwo badan oo iyaga ka mid ahi oo aan xitaa war loo heynin xanuunkooda iyo halka ay ku dhinteen intaba.
Ururrada Macallimiinta
inkasta oo Ururada Macallimiinta Hoose/Dhexe iyo kuwo Sarreba Dalka la dhisey oo ay u istaageen Mihnadlayaasha iyo xirfadlayaasha macallimiinta ahi,haddana waa kuwo aan weli shaqo muuqata dalka ka heynin,Waa kuwo weli u baahan wakhti dheeraad ah oo ay saaxadda ugu yeeshaan saameyn,waana ururo u baahan in laga cidhib tiro qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta si bulshadda inta iftiinka u ahi ay u mideysnadaan.Dawladda somaliland waa in ay xoojisaa gaar ahaan wasaarradda waxbarashaddu sidii ay ururadaasi shaqadooda u qabsan lahaayeen uguna adeegi lahayeen macallimiinta badan ee dalka una baahan in codkooda la maqlo farintooduna ay dadka gaadho.Dugsiyada iyo jaamacadduhuna waa in aaney Mucaarid ku noqon Shaqada billawga ah ee ay ururadaasi billaabeen.
Ceelaabe_10@hotmail.com