Hambalyo iyo hoga-tusaalayn ku socota Wasiirka cusub ee Waxbarashada (WQ: Aaden Haybe Faarax)

Waxaan halkan hambalyo iyo duco u marinayaa Wasiir Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo ah wasiirka cusub ee Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Wasiir Axmed waxaa iigu horraysaya aragiisa sanadkii 2012, wixii ka danbeeyeyna siyaabo kala duwan ayaanu u kulannay; mar aanu wada shaqayno iyo mar aan akhriyo qoraallo uu sameeyey. Waxaa isugu kaaya danbaysay qiyaastii August ama September bilowgeedii ee sannadkan oo aanu ku kulannay  xarunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Wasiir Axmed waxaan ku aqaanaa nin aqooni hagto oo ka mid ah dadka ugu xog-ogaalsan xaaladda waddanka. Wasiir Axmed wuxuu in badan ka qayb qaatay ururinta xogta la xidhiidha Qorshaha Hor-Umarineed ee Qaranka ee Somaliland (National Development Plan). Intii aan la kulmayey iyo intii cid war iiga sheegtayba, waa nin Allah ku mannaystay wanaag badan oo aan waqtigan dadka ku badneyn. Allah wanaaggaas ha ku ilaaliyo.

Markii aan ogaaday in loo magacaabay xilka wasiirnimo waxaan jeclaystay inaan farriin aan u wado dhammaan madaxda ka duwan ee waddanka aan u sii mariyo baraha bulshada aniga oo ku halqabsanaya Wasiir Axmed. Ujeedada ugu weynina ay tahay inaan xasuusiyo isaga iyo madaxda kaleba masuuliyadda ay qaadeen iyo ka digtoonaanta waxyaabo yaryar oo ka mashquulin kara.

Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu wasiirka waqti siiyo uu wax ku qaban karo. Madaxda uga sii horraysay wasaaraddana waxaa si weyn uga codsanayaa inay kula shaqeeyaan wasiirka fulinta qorshayaasha wasaaradda.

Hoos waxaan kaga hadlayaa arrimo aan u arko inay madaxdeena ka mashquuliyaan inay fuliyaan qorshaha u dejisan xafiiskooda ama ay la yimaadaan ku cusub.

1. Fulinta Qorshayaasha Hor-Umarineed ee Waxbarashada (Education Sector Strategic Plans)

Wasiir Axmed, cid kaaga xog ogaalsan way yar tahay qorshaha horumarineed ee waxbarashada Somaliland waayo waxaad ka soo shaqaysay Wasaaradda Qorshaynta oo ay ku soo biyo-shubato badanka xogta qaranku. Intaas waxa dheer waxaad doorweyn ka ciyaartay samaynta Qorshaha Hor-umarineed ee  Qaranka (National Developoment Plan II) oo hadda fulintiisii socoto. Waxaa isoo jiidatay sidii aad u adeegsatay xogtii waxbarashada aad ka haysay ee aad gogol-dhiga uga dhigtay hadalkaagii xilwareejinta iyo farriintii u horraysay ee aad TV ka gudbiso maalintii lagu magacaabay.

Madax badan wuxuu waqtigu kaga lumaa la kulanka dad badan oo aan wax ku soo kordhinayn shaqadooda, mana haleelaan inay si dhab ah u fiiriyaan qorshaha u yaal wasaaraddooda ama wax cusub hal abuuraan. Tusaale, waxaa caan noqotay in qof raba in lagu daro mushahar-bixinta (Payroll) wasaaraddu uu u baahdo inuu la kulmo wasiirka iyada oo uu joogo agaasimkii Waaxda Cududda Shaqaalaha iyo Agaasimihii Guudba. Arrintaasi waxay shaqo la’aan u tahay qofkii loo igmaday hawshaas, waxayna keenta inuu wasiirku waqti u waayo hagiddii iyo horumarintii shaqada wasaaradda.

Waxaa dhacda in qof shirkad ama hay’ad ka socda lagu yidhaahdo la kulan waaxda khusaysa shaqadaada. Muddo ayaa laga yaabaa in arrinkaasi waaxda iyo shirkaddu/hay’addu ka doodaan ugu danbayna ku heshiiyaan in Agaasime Waaxeedku la soo tashado madaxdiisii. Muddo marka la isku maqnaado ayaad Agaasimihii Guud ama  Wasiir-ku-xigeen uu la hadlayaa ciddii ay Agaasimaha Waaxda wax ku heshiiyeen isaga oo sheekada dib u bilaabaya. Muddo ka dib wax uunbaa lagu heshiiyaa, laakiin waxay dhibi taallaa markaa wasiirkiina u baahdo in wixii oo sharrax ah shirkaddii ama hay’addii ugu soo celiso. Waa laba bilood oo is daba-wareeg ah.

Nin Ajnebi ahaa oo aanu wada shaqayn jirnay waabu yaabi jiray markaan idhaahdo Wasiir ama Agaasime Guud  baan kala soo kulmayaa hawl uu dhamayn karo Agaasime-Waaxeed. Ku lahaa, maxaa inna dhaafinaya waaxda aynu la shaqayno. Waxaanu ogayn in wasiir ilaa shaqaale hoosaad inta badan shaqo isku mid ah la qabto.

Wasiir, ku dedaal inaad shaqada u daadejiso, kuna aaminto cidda kaa hoosaysa ee shaqadaasi tooska u khusayso.  Waxaad u baahan tahay uun inaad aad hubisa inaan hoostaada wax lagu musuqin. Waayo, waxaad masuul ka tahay waxbarashada waddan keliya 43% ardayda gaadhay da’dii waxbarashada hoose ay fursad u heleen in dugsi laga diiwaan-geliyo sida ku qoran Qorsha Horumarinta Qaranka. Weliba, qiyaastani waa 25% keliya baadiyaha, tayadona warkeed daa’.

Awood kasta oo aad leedahay saar sidii uu u suurto geli lahaa wax ka mid ah qorshaha wasaaradda u yaal. Hana ku mashquulin waxyaabo hoose. Allah ha kula garab-gelo.

La soco qayb kale Insha Allah….