Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay mawqifkeeda ku aadan go’aamo ay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada

Xukuumada Somaliland ayaa waxay maanta ka hadashay mawqifkeeda ku aadan go’aamadii ay maalinimadii shalay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta ee xukuumadda iyo xisbiyada oo in muddo ahba socday kaasi oo ay kasoo saareen shan qodob.

Sulaymaan yuusuf cali koore wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta islamarkaana ah afhayeenka xukuumadda somaliland oo saaka qaybo kamid ah warbaahinta kula hadlayay xafiiska ayaa uu sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay oo ay ixriraamayso  dhawaynayso isla markaana wada shaqayn dhaw la leeyato xisbiyada mucaaridka.

wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” waxaan aad iyo aad usoo dhawaynaynaa qodobadaa odayaashu soo jeediyeen ee ah in la is ixriraamo aniga oo xukuumadda afkeeda ku hadlaya waxaanu diyaar u nahay inaan ixtiraamno soo dhawayno wada shaqayn dhawna la yeelano xisbiyada mucaaradka.

hoos ka daawo muqaalka warkan: