Hargeysa way hadashay (WQ: Caynaan Farax Caynaan)

Waa daycar qabiil kuye
Yaa diiday odhan kara
Dadka yaa hor imman kara
Hadal deeqa odhan kara
Kasban kara rag iyo dumar.
31, bishii shannaad waxa Somaliland ka qabsoomay doorasho isku sidkan oo kala ah gole wakiilo ah iyo gole deegaan labadana mar lawada qabtay, marka hore waxa mahad dhammaanteed leh Allaha suuro galiyey in ay doorashadaasi si nabbad ah ku qabsooto, kuna dhammaato si nabbada, waxana bogaadin mudan bulshada reer Somaliland.
Somaliland doorashooyinku kuma cusuba oo hore ayaa doorashooyin loo soo qabtay mid madaxtooyo, mid gole wakiilo ah iyo mid gole deegaan ahba, balse tan dhawaan dhacday waxa ku cusub laba musharax oo iyagu gabi ahaan ba ka olole duwanaa guud ahaan musharaxiinta tartanka ku jiray, waa Barkhad Jamah Batuun iyo Cabdikarim Ahmed Mooge.
Waa arin jirta oo xaqiiqo ah in bulshadu u nooshahay hab qabaaiil ku dhisan si ay iskugu tiirsanaato kadib markii doorkii dowladnimo ka baxay meesha oo u damanad qaadi lahaa muwaadinku in uu ka helo dawlada inta uu ka helo isku tiirsanaanta qabiilka in ka badan.
Waase, arin bogaadin mudan oo loo riyaaqo in dabarkaasi sii furmaayo dhawaan oo hada u muuqdo ifafaalo qurxooni oo ay Hargaysi hormuud u tahay, in bulsho kuwada nool gobol ama degmo oo kala qabiil duwan kala deegan duwan ay gartaan duruufta kaliya ee midaysaa in ay tahay in ay helaan adeeg dawladeed, intaas ka dibna ay doortaan cidii iyaga ku matali lahayd si ay u buuxiso duruuftaa ay wadaagaan waa arin mucjiso ah oo ku cusub guud ahaan gayiga ay Soomali degto.
Inta badan bulshadu waxa ay rabbaan biyo nadiif ah, waxbarasho tayo leh, caafimaad layku halayn karo iyo cadaalad loo sameeyo dhamaan bulshada si aanay muwaadiintu u kala yeelen darajooyin loogu kala xeedo,arintanina waa mid imika jid keeda la hayo oo aynu filayno in lagu guulaysto.
Ugu danbayn waxan soo jeedin lahaa in bulshadu marka hore ay doortaan qof iyaga matali kara oo la dareen ah, bulshadu qofkaa ay dooratay ee ay ku aamineen codkooda ugu badan in aanu mar labaad doorasho galin ee isagu noqdo hogaamiyaha intaas la doortay.
Oo laga daayo doorashada labaad ee ah in qof aqlabiyada bulshada haysta uu hormaro mid aan haysan kalsooni shacab oo ku filan balse guulaysatay, haddii ay arintan hore uga yaaleen xeerar iyo sharci waa in golaha cusub ee la soo doortay uu ku sameeya wax ka badal iyo kaabis labadaba, haddii kale codadka ugu badan ee bulsho isku raacday in ay jabiyaan dabar adag oo soo jireen ah dadaalkooda ayaa meel cidlo ah ku dhici doona.
Qore: Caynaan Farax Caynaan.