Cabdishakuur Cidin ayaa mar kale loo doortay maayarka Berbera

Shirkii koowaad ee ay isugu yimaadeen Golaha Deegaanka Barbara ayaa maanta Cabdishakuur Cidin loogu doortay maayarka Barbara. Nuur Cadde ayaa loo doortay maayar-xigeen.

Cabdushakuur ayaa maayar ka soo ahaa Barbara tan iyo 2012 wakhtigaas oo uu ku guulaystay doorashooyinkii Golaha Deegaanka.

Dad badan ayaa Cabdishakuur ku ammaanay waxqabad, sababta loo doortay mar kalena la xidhiidhiyey wax qabadkiisa.

Magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa la filayaa in ay iyaguna doortaan maayar iyo ku xigeen toddobaadkan iyo ka xiga.

Bandhige@gmail.com