Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!(W.Q. Hibo Ciise Maxamed)

Aalaaba waxa la qabtaa doodo lagaga hadlayo yaraynta tahriibka iyo sidii loo dabarjari lahaa. Waxa aad loogu falanqeeyaa layskuna markhaati furaa in tahriibku yahay masiibo, dhallinyartiina ay aad ugu le’deen jidadkaa adag ee ee ay sii marayaan ee ay dhibaatada iyo diiftuba taal.

Waxa aad la isugu mashquuliyaa habnaanka iyo hababka xeeladaysan ee kala duwan ee dhallinyarta looga saaro waddanka iyo sidii looga hortagi lahaa Magafayaasha oo ah shakhsiyaad ka ganacsada tahriibinta dadka, oo leh silsilad ka bilaamta waddanka dhexdiisa ilaa iyo halka u danbaysa ee u qofku caga dhiganayo haddii uu Alle badbaadiyaba.

Balse kala maan, meel hoo doonaysa hadal wax kama taree. markii qurbe-joogtii qaranka iyo qabiilba casho-sharaftoodii iyo xafladihii loo qabanayay laga bixi waayay, ee mansabyadii dawladda, ha’yadaha iyo hormuudkii waddanka laga dhigay qurbejoog maxaa lagu dayn tahriibka…Mooji..

Marka ay noqotay in qofkii waddanka dibeddiisa ka yimi la ciseeyo, kii joogayna aan waxbaba laga soo qaadin, qurbe-joognimadii la isku ammaano, qaranjoognimadiina laysku diido, waddan qalaadna laga jeclaysto keeni.

Markii Inankii doobka ahaa ee waddanka joogay ku hamiyay sidii uu u guursan lahaa hablahaa qurbaha jooga, inantii gashaantida ahayd ee waddanka joogtayna ku hamido nin qurbe-joog ah oo mararka qaar la iskuba caayo in ragga waddanka jooga la guursado.

“Tii heblaayo ee waxa qarxa iska dhigi jirtay nin xun oo waddanka jooga ayay guursatay…Akhas caleek.”

Taasi waxay ina dhaxal siisay in lagu dhiirrado tahriibka lagana yaaco waddankii.

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Aafo

hibafaakhir@gmail.com