Haweenimadii halowday (WQ: Saynab Xasan Axmed)

Awood hagar la’aaneed ayuu Eebe Subxaanah usiiyey haweenka iney ku maamulaan oo ifiyaan guryaha ama qoysaska. Si kale hadaan u idhaa, Hooyadu waa hadhaca dhamaan xubnaha qoysku kusoo wada hirtaan, waa tiirka ay farxadu ka taranto, waa uduga iyo iftiinka qoyska. Markastoo hooyadu ay waqti iyo tacab galiso qoyskeeda waa markastoo ay soo saarto jiil iyo ubax aad loogu aayo oo loogu hanweynaado.

Rasuulkeena Suubanaa SWC waxaa lagasoo wariyey inuu yidhi:

ุนูŽู†ู’ ุนูŽุจู’ุฏู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุจู’ู†ู ุนูŽู…ู’ุฑููˆ ุฃูŽู†ูŽู‘ ุฑูŽุณููˆู„ูŽ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุตูŽู„ูŽู‘ู‰ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ูŽู‘ู…ูŽ ู‚ูŽุงู„ูŽ ุงู„ุฏูู‘ู†ู’ูŠูŽุง ู…ูŽุชูŽุงุนูŒ ูˆูŽุฎูŽูŠู’ุฑู ู…ูŽุชูŽุงุนู ุงู„ุฏูู‘ู†ู’ูŠูŽุง ุงู„ู’ู…ูŽุฑู’ุฃูŽุฉู ุงู„ุตูŽู‘ุงู„ูุญูŽุฉู

1467 ุตุญูŠุญ ู…ุณู„ู… ูƒุชุงุจ ุงู„ุฑุถุงุน ุจุงุจ ุฎูŠุฑ ู…ุชุงุน ุงู„ุฏู†ูŠุง ุงู„ู…ุฑุฃุฉ ุงู„ุตุงู„ุญุฉ

Xadiiskaa culimadu waxay ku macneeyaan “Aduunka mataaciisa ama ku raaxaysigiisu waa inaad hesho gabadh wanaagsan”. Xadiiskaas ayaa inoo koobaya iney haweenku yihiin salka reerku ku nasto ama ku xasilo.

Hadaba suaasha is weydiinta leh ayaa ah, goorma ayeey hooyadu noqon kartaa salka reerku ku xasilo? Markastoo hooyadu si hagar la’aaneed ugu hiiliso horumarka qoyskeeda iyadoo raaceysa dariiqii iyo tubtii hooyooyinkii mu’minaadku raaci jireen, markasta oo hooyadu u heelanaato iney hufto heybada qoyskeeda iyadoo raaceysa sida ay diinteena suubani ina fartey, markastoo hooyadu ku kaaftoonto masuuliyada rabaaniga ah ee Eebe Subxaanah uu saarey korkeeda iyadoo yaqiinsan in lagula xisaabtami doono maalinta qiyaamaha, ayeey hooyadu noqon kartaa salka qoys ku xasilo.

Hooyada mansabkeeda ugu horeeyaa waa iney soo saarto ubad iyo qoys ka hira oo ka iftiimaya bulshada, iney udub dhexaad unoqoto hoy ururiya gacal iyo xigaalba oo ay ahaato madal lagusoo hirto. Hooyada MANSABKEEDA rabaaniga ahi waa iney hogaamiso qoys ee maaha iney qaran hogaamiso iyadoo qoyskeedii tabayo, ogoowoo qaranka wanaagsani waa uun qoysas wanaagsan oo isu tagey.

Guntii iyo gunaanadkii maqaalkeyga waxaan naftayda iyo nafaha haween weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Somaliland leeyahey;

Maadaama oo Suubanaheenii SWC sabab inooga dhigay qoyska iyo farxadiisa, ma filayo ineynu farxad qoys abuuri karno inteynu MANSAB siyaasad dabada ku haya u halgameyno ee aynu COD DHEER ku leenahey SAAMIGII talada wadanka aanu ku laheyn ayaa la dulmiyey…. ย Mana garanayo haween ahaan waxaynu uqaban karno wadanka inteynu MANSABKII RABAANIGA ahaa ee layna saarey WIIQEYNO.. Si kale hadaan u dhigo bulsho waxay ka unkataa qoysas isu tagey, markasta oo qoysaska bulshadaasi ka koobantahey ay yihiin qoysas jihaysan oo ku guuleystay iney salka dhigaan waxaa hubaal ah in bulashadaasina ay xasili doonto oo bulsho jahawareer ka xorowday noqon doonto.

 

WQ: Saynab Xasan Axmed