#Hawlaha qaranku mudnaan ayay kala leeyihiin, hawsha ugu mudan maanta qaranka Somalilland waa qabsoomida doorashada “priority number one’” (WQ: Maxamed Daahir Axmed)

 

#Hawlaha qaranku mudnaan ayay kala leeyihiin,hawsha ugu mudan maanta qaranka Somalilland waa qabsoomida doorashada (priority number one).
#Distoor la furo iyo sheekooyinka kale oo dhami waa mudnaanta labaad iyo saddexeed (secondary priority.

Qarana hiigsigiisa ma gaadhi karo hadaanu hawlihiisa mudnaan (Priority) u kala samayn,sidaa daraadeed shacabka Jamuuriyada Somaliland waxa ay u heelan yihiin in ay dhiibtaan codkooda,kaasi oo dhawr jeer oo hore dib uga dhacay,taasi oo ku keentay hoos u dhaca maqaamkii Somaliland ku hogaaminaysay hormoodnimada xaga dimoquraadiyada mandaqada geeska Africa. Si ay taasi ooga soo kabato,muwaadiniintuna u gutaan xuquuqdooda distooriga ah,waxa lagama maarmaan ah in aynu dhamaanteen ka wada shaqaynayo sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeedii ku dhacda.

WQ Maxamed Daahir Axmed