Khilaafka Khaatumo? (WQ: Cabdirisaaq Cumar Caynaan)

 

Waxaa maalmihii ina dhaafay heshiis dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo sheegata inay masho bulshada ku dhaqan qayb ka mid ah gobolada bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa fiican marka arin saamayn ku yeelanaysa mustaqbalka iyo amniga umadda ku dhaqan JSL in aad looga taxadiro, lagana fiirsado waxyaabaha ka dhallan kara haday wanaag tahay iyo dhibba.

Aad iyo aad baan u saluugay qaabka uu u dhacay wada hadalkaasi, sababta oo ah wuxuu gaadhsiiyey Khaatumo meeqaam sare oo ay kula sinmi karto Jamhuuriyadda Somaliland, Barri ka maalin na waxa dhici doonta iyada oo umadda ku dhaqan goboladaa laga dhaadhiciyo iyo la midoobeen Somaliland maalintay doonaan na kala noqon karaan midawga waa siduu hadalka u dhigayey mudane Cali Khaliif Galaydh ee uu lahaa “Si cad baynu ama kuwada heshiinaynaa oo waxaynu wada leenahay u binaynaynaa ama u wada dhisaynaa ama si cad baynu ku kala tagaynaa, waxayna hadda u eeg tahay in si cad lagu heshiin doono” Markaan hadalkaa u fiirsato waxaa u la hadlayaa quluubta dadkaasi isagoo meel fog wax ka tusayo. Aragtidayda gaarka waxaan qabaa hadalkaasi inay cuskan karaan dad badani haddii khilaaf danbe yimaado kaas oo ay ku doodi doonaan heshiiskii aynu galnay waad baal marteen.

Aan u soo noqdo arinka khilaafka khaatumo ma khilaaf arrimo gudeedbaa mise waa mid dibaddeed?

Waxaan qabaa khalladka ugu wayn ee dhacay inuu ahaa ka qaybgalka wasiirka Arrimaha Dibadda JSL ee heshiis noocan ah, waxay muujinaysaa bisayl la’aanta siyaadeena maxaa yeelay arinkaa Khaatumo xukuumaddu waxay u aqoonsatay arin dibadeed. Waxa is waydiin mudan Khaatumo ma dal baa?

In la is naqdiyo qaab siyaasadeedka dalka ama la saluugaa macnaheedu maaha inaad tahay mid neceb nabadda iyo horumarka dalka, haddii ay dhici waydo in la isnaqdiyaa waxaa iman doonta in doontu badda inagula wada dhacdo, aynu aragno uun iyada oo aan waxba laga qaban karayn.

Markaynu eegno wada hadal bay JSL kula jirtaa Soomaaliya, weli wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya oo arintaa ka hadlaya ma aragteen? May, waxay u aqoonsan yihiin inay tahay arin arrimo gudeed, waxaa la inoo soo diraa Wasiirka Arrimaha Guddaha mar walba.

Bulshada ku dhaqan gobolada bari ee JSL waxay inaga mudan tahay qadarin, soo dhawayn, dhagaysi, taakulayn iyo ka qayb gelinta horumarka dalka iyo siyaasaddaba lkn maaha inaan samayno caqabado keeni kara inay qaadaan nacayb iyo kala fogaansho mustaqbalka ah.

Arrinta Dastuurka

In dastuurka dalka la furaa way fiican tahay, laakiin ma cutubyo(Chapters) gooni ah baa la furayaa, mise dhamaantii dib baa loo furayaa, haddii dastuurka hadda dib loo furayo dhamaan umaddii hore ee ku qanacsanayd ma ku mabsuudi doontaa furidaas, mise iyaduna khilaaf hor leh ayay keeni doontaa.

Khilaafyadu wax dhamaada maaha haddii dhacdooyin kale oo lamid ah tani ina soo maraan haddana ma dib baynu u furaynaa, waa in la iswaydiiyaa.

Dadkeenu waxay leeyihiin aqoonyahano sharci-yaqaan ah wax Malaga waydiiyey arintaas, se haddaan laga waydiin iyagu fikradahooda ma la wadaageen bulshada ay ka mid ka yihiin ee arinkani taabanayo, waxaan leeyahay Sharciyaqaanoow hawshaasi waa waajibkiinii ee ka hadla.

Ugu danbayn waxaan bogaadinayaa dadka ka shaqeeyey inuu khilaafkaasi soo dhamaado oo dadku nabad ku wada noolaadaan. Lkn waxaan leeyahay ‘Waan baahanahay looma bahalo cumo’ ee nabad baynu u baahan nahay yaynaan khilaaf hor leh oo mustaqbalka iman kara ku sababin

Ilaahay nabaddu ha inoo ilaaliyo