Khaatumo, furista Dastuurka maxay ka maagan tahay? (WQ: Maxamed Xaaji Cumar)

 

Somaliland waxa ay Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo kula heshiisay in dastuurka la furo si Somaliland loo wada yeesho. In dastuurka la furo oo qawaaniinta aasaasiga ah lagu heshiiyo waa wax wanaagsan horena waan u soo dhaweeyey. Laakiin, su’aasha iswaydiinta mudan waxa weeye, Khaatumo sidee ayey u rabtaa in Somaliland loo wada yeesho?Ma waxa ay u rabtaa in habka dawliga ah ee qaranku ku shaqeeyo ee Madaxtooyada ah (Presidential System) gabi ahaanba laga guuro?

Ma waxa u muuqda in nidaamkan Madaxtooyada ahi aanu ku habbooneyn qarankan oo loo baahan yahay in loo ga guuro hab wakiili ah (Parliamentary System) oo Madaxweyne iyo Raysal Wasaare is toocsanaya ah? Waa sida ay u muuqato e, habkani ma yahay hab qaranka wadi kara oo himilooyinkiisa mustaqbalka uu kaga midha dhalin karo? Si aynnu su’aashan danbe uga jawaabno kuwa kalena u taxliilino marka hore aynnu isbarbar dhigno khasaaraha iyo faa’idada labada hab is-xukun ee aan kor ku xusay.

1.Hab dawladeedka Madaxtooyo; waa hab dawli casri ah oo awoodaha qaran leeyahay saddex dhadhaar la isugu geeyo, si qayaxanna shaqooyinkooda dastuurku u bayaamiyo. Tusaale ahaan Hay’aadka qaranka ee Somaliland waxa uu ka kooban yahay gole fulin, mid sharci dajin iyo hay’ad sharci oo tafsiisha sharciga guud ee qaranka, isla markaana xukunta waxa sharciga ah iyo wax aan sharciga ahayn (Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah).

Faa’idooyinka uu hab dawladeedka Madaxtooyadu leeyahay waxa ka mid ah; is-miisaanka dawliga ah ee saddexda dhadhaar oo ah kuwa kala madaxbannaan awood ahaan, isla markaana mid waliba uu gaarkiisa u dhisan yahay oo uu hay’ad u yahay. Go’aanka fulintu waxa uu la yaal Madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada oo ka yimaada bannaanka, halka khasaaraha ugu weyn ee uu leeyahay tahay in awoodda qaranka loo gaar yaaley Madaxweynaha.

Nidaamkani waxa uu ku wanaagsan yahay, waa mid hab dawladeedyada kale oo dhan ka kharash yar Dalalka dhaqaalahoodu aadka u hooseeyana waa habka ugu wanaagsan ee dawladnimadoodu ku socon karto dhinacyada horumarka iyo ilaalinta amniga marka ay noqoto. Sababtuna waa in kharashaadka dawladdu ay isticmaalaysaa yar yahay, marka loo eego nidaamyada kale ee dawliga ah.

Tusaale wanaagsan waxa kuu ah sida uu nidaamkan Madaxtooyadu dalka Maraykanka uga hormariyey adduunka intiisa kale. Sida colaadihii uu u soo af-jaray, horumarka xawliga ku socdayna uu u meel mariyey. Isla markaana uu u dul maray dhammaan Yurub oo iyadu isticmaalaysay habka Wakiiliga ah (Parliamentary System) ee kharashka badan.

Somaliland iyana waa tusaale kale. Haddii aad si fiican u daraasadayso sida dalkani uga duwanaaday dalal badan oo adduunka ah ee uu nabadda iyo dimuqraadiyadda ku helay, waxa qayb weyn ka ah habka iyo nidaamka dawliga ah ee Madaxtooyada. Inkasta oo uu dhaqanku nabadda aad u taageeray, haddana dimuqraadiyadda degdegga ku timi iyo habka xorriyaadka saxaafadda waxa la fahmi karaa in nidaamkani horseeday.

2. Hab dawladeedka Wakiiliga ahi waa hab guun ah oo aad uga da’ weyn nidaamka Madaxtooyada marka ay dawladnimada casriga ah timaado. Habkani ma faa’ido la’ a. Wanaagga ugu weyn ee uu leeyahay waa in shuruucda dawliga ahi si degdeg ah loo ansixiyo loo na sameeyo. Sidoo kale waa hab ka nabad galay keli-talisnimo oo awoodda faraqa la wada haysto, maamulkuna uu aad u daadegsan yahay oo awoodda qaranku baahsan tahay.

Laakiin, iyana khasaare badan oo weyn ayuu leeyahay; waxa uu habkani u baahan yahay in shaqaalaha dawladdu iyo hay’aadka kale ee qaranku noqdaan kuwa aad u badan (Full of Bureaucracy). Ammuurtani kharash badan ayey u baahanaysaa, dal Somaliland oo kale ahna kama bixi karo.

Waa hab aad u khilaaf badan oo xubnaha talada dalka hayaa ay awood siman leeyihiin; tusaale waxa kuu ah dalalka Yurub dhibka ka haysata khilaafka gaar ahaan dalka Talyaaniga oo dawlad la’aan sannad walba ku dhaca. Sidoo kale dalalka kale ee nidaamkan qaatay, waa u doorashooyin iyo dawlado daldalan oo awood qaybsi ku foogan iyo in madaxa la isaga maran yahay. Wasiirku waa xildhibaan golaha wakiillada ku jira oo dhan sharci dajiye ka ah dhanna fuliye!

Somaliland oo dhaqan ahaan qadiimi ah (primitive culture) oo ku dhisan nidaamka qabiliga ah; is-haysiga dawliga ahi waxa uu ku keeni karaa xagal-daac weyn oo siyaasi ah, oo mararka qaar dhalin kara colaado addinlay ah oo aan loo taag helin. Waayo sharci gudbayaa jiri maayo oo dawladnimo lagu kala xoog roon yahay ma aha nidaamkan wakiiliga ahi.

Marka ay hawli halkaa taagan tahay, waa haddii ay Khaatumo rabto in nidaamkan dawliga ah ee hadda jiraa uu is-beddel u baahan yahay; waxa aan dawladda Somaliland u soo jeedin lahaa in arrintaa ay aad uga fiirsadaan. Hab wacan oo saami qaybsi ah oo ay ugu badin karto Khaatumo iyo Somaliland oo dhan ayuu leeyahay habka Madaxtooyada ahi.Insha Allahu, dhawaan ayaan ka warrami sida ugu habboon ee ay Somaliland la wada leeyahay ugu dhismi karto iyada oo aan hab dawladeedkeenan casriga ah ee lagu liibaanay aan laga guurin.

Soon wanaagsan. 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk,mohamedhagi@gmx.co.uk