Shil naxdin leh ayaa shalay casar-liiqii ka dhacay duleedka Hargeysa iyo dab ka kacay mid ka mid ah laba baabur 

 

Shil baabuur oo aad u naxdin badan ayaa shalay fiidkii ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaantaroolka Galbeed ee magaalada Hargeysa. Shilkan baabuur oo ahaa isku dhaca laba Baabuur oo noocyadoodu kala ahaayeen gawaadhida xamuulka qaada ee Waaraadka iyo gaadhi kuwa yar yar ah ee Maarkatuuga ayaa waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeed.

Shilkan baabuur   ayaa waxa uu sababay dhimashada Saddex qof oo saarnaa gaadhiga yar, saddexdan qof ee shilkan baabuur ku dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Darawalkii gaadhiga waday,   wiil dhalinyaro ah iyo askari ka tirsanaa ciidanka bilayska oo magaciisa la odhan jiray Amarre. Sidoo kalena shilkan ayaa waxa uu sababay khasaare hantiyeed,isaga oo uu dab ka kacay gaadhiga wayn ee Waaraadka ah, waxaana markiiba goobta gaadhay ciidamada Dab-damiska kuwaas oo baqtiiyey dabkii ka kacay gaadhiga Wayn. shilkan baabuur ee casar liiqi dhacay ayaa waxa uu ahaa mid aad u naxdin badan,waxaana maydadka marxuumiintaasi la gaadhsiiyey qolka maydka ee  cusbitaalka magaalada Hargeysa.

shil10

 

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com