Boqorka Sucuudigu wuxu eryey dhaxal sugihii xilka boqortooyadda

 

Boqorka Suacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddelay qaabka dhaxalka boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

Ninkii dhaxalka boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha guddaha.

Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa Ra’iisul-wasaare-ku-xigeen.

Isbeddellada ayaa lagu shaaciyey dikereetooyin boqortooyo oo is xig-xigay.

Wakaaladda wararka ee dawladda Sucuudiga waxay sheegtay in boqorka uu ku baaqay in shacabku ay daacadnimo ugu muujiyaan amiirka cusub magaalada Makka fiidnimada Arbacada.

bandhige@gmail.com