Hayaankii Hartiga Q.1aad (WQ: Khadar Cabdi Cabdillaahi)

Dawladdii Soomaaliya iyo xukuumaddii badawda ahayd ee Siyaad Barre waxa ay burbureen goor uu Kornayl Cabdillaahi Yuusuf maxbuus ku ahaa dal shisheeye (laga soo bilaabo 1985 illaa 1991). Markii uu soo baxay Cabdillaahi ayuu arkay in dunidii dhisnayd ee Soomaaliya shuf beeshay oo la kala haaday. Caasimaddii Muqdisho waxa naftu iskaga baxday Hawiyihii loogu yimi ama marka horeba lahaa. Wakhtigan uu Cabdillaahi soo baxayo waxa jiq isku ahaa Caydiid iyo Cali-Mahdi oo Maanafeesto wax la yidhaahdo hor boodayey, dabcanna, markan madaxweynaha Soomaaliya ku magacaaban.

Boosaaso iyo dhulka Buntilaan loo yaqaan oo dhan, ama badankeeda, waxa iska yeeshay niman uu Xasan Daahir Aweys caqli iyo culimo u yahay oo Al-Itixaad la yidhaahdo. Dadka ayaa diin loogu soo gabbaday, dabadeed meel walba oo manfac leh gacanta ayey ku dhigeen. Halkaas buu ka bilaabmay dagaalladii Cabdillaahi Yuusuf iyo qolada Itixaadku, iminka Ictisaam loo yaqaan. Markii Cabdillaahi 1992 ka faraxashay Wahaabiyiintii dad cunka ahayd buu muddo sii dhex joogay dhulkii udugga oo aan nidaam iyo kala dambayni toona ka jirin. Dagaalka ay ku kala firxadeen Al-Itixaad waxa jiray rag faro ku tiris ah oo caqliga ka shaqaysiiyey markii ay miyirsadeen kaddib. Intaa kaddib ayuu war ka soo yeedhay dawladdii Masaarida oo raadinaysa tol ay iskaga celiso Itoobiya.

Dawladda Masar oo danaheeda u halgamaysa, si xasaradda webiga Niil ee iyaga iyo Itoobiya ka dhaxaysa aanay Itoobiyaanka cidlo iska helin, ayaa 1997-kii magalada Qaahira shir ugu qabatay siyaasiyiintii Soomaalida qaar ka mid ah. Ururkii ama jabhaddii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) intii Cabdillaahi xidhnaa ayey aabbaheed fuudka la cabtay oo haatan burbur waxba ma dhaanto. Laakiin magacii wuu jiraa raggeediina ma dhammaan wali. Xuseen Caydiid iyo Cali-Mahdi ayuu se shirku gaar u ahaa waxa kalena maqaarsaar bay ahaayeen. Isla sababtaas ayaana u weynayd in shirkaasi ku dambeeyo baaba’ iyo biyo col dhaanshay.

Cabdillaahi wuxuu jeelka Itoobiya galay iyada oo Daarood talinayo, dalku mid yahay, Muqdishana tahay meel la wada eegto. Wuxuu soo baxay Daarood oo shaashadaha ka baxay, Isaaq oo madaxbannaan ku dhawaaqay iyo Muqdisho oo sida moofada u karkaraysa. Qiyaamaha dhacay goorta suurtiisii la afuufay ayuu garan waayey. Wuu se dareensan yahay calaamadihii qiyaamahaa ka horreeyey in uu isagu kow ka ahaa, markii uu jabhadda samaystay ee uu ku kufriyey Marreexaankii aadk u qooqay. Ilaahow Daarood xaggee baad gaysay isaga leh buu afka soo saaray carro Majeerteen.

Cabdillaahi Yuusuf iyo nin Ogaadeen ah oo ku caan ahaa Jeneraal Gabyow, laakiin magaciisu ahaa Aadan Cabdillaahi Nuur, ayaa isa soo raacay iyaga oo baadidoonaya Daaroodkii sida Ruushka habeen qudha la waayey. Jeneraal Gabyow oo ay in muddo ah xulufo soo wada ahaayeen Cali-Mahdi, ayey markaa soo kala faataxaysteen, inta aanay Cabdillaahi isku soo lug darin. Magaalada Boosaaso ayey ka soo degeen. Cabdillaahi Yuusuf kolkaa dareen gaar ah oo aynnu meel dambe ku arki doonno ayaa wada. Jeneraal Gabyow iyo rag kale waxa u muuqatay in Daaroodku helo meel uu salka dhigo ama isugu tagi karo haddiiba uu isu baahdo. Fikraddii Buntilaan, oo dano badani ku hoos jiraan, ayaa halkaas ka curatay.

Waxa laga yaabaa akhriste in ay kugu soo dhacdo sababta aan meeshan uga soo bilaabay sheekada. Dad dhacdooyinka la wada socday oo xogogaal ah iyo qaar aan wax badan hayn baynnu qormada ugu talogalnay ee intiinna muddakarka ahi ha igu dul caajisana. Samirku waa hibee haddii aad dulqaadka in yar igu caawiso wax baan kuu yara sawiri lahaa, si su’aalaha kugu soo dhici doona aanad jawaabahood kadeed uga mudan. Afkaaro iyo arrimo soddon sano ka hor bilaabmay oo qaarna midho dhaleen qaarno faro baas ku hayaan Buntilaan iyo Geeska Afrika ayaan sawir kaa siinayaa, si aynnu mustaqbalka u wada oddorrosi karno. Daaroodka isugu tagi doona abuurista Buntilaan iyo dagaalka Cabdillaahi ku soo afjaray Itixaad si gaar ah xusuusta in aad iigu hayso igu caawi.

Shirkii 1998 ee Garoowe lagu qabtay waxa uu daba socday shirkii ka horreeyey ee markii koowaad Majeerteen danihiisa kaga arrinsado oo ka qabsoomay magaalada Qardho. Majeerteenku way isku fahmi waayeen shirkaa, dabadeed waxa la yidhi cid isu keen afgarata inoo doona. Majeerteenku ma wada doonayn in wax Harti ka wada dhexeeya la sameeyo, Daroodna hadalkiisaba daa. Rag badan waxa ay dooddoodu ahayd wax maanta dad ka qaylinayaan kuwo kalena difaaceeda u qaylinayaan. Jabba waa ka dambeeya.

Sida Burco u tahay meesha Soomaalilaan lagu unkay fikirkeeda, Qardahana waxa la odhan karaa waa hooyadii Buntilaan. Cabdillaahi oo u arkay in aan Majeerteen sidaa fudud masaajid ugu wada tukan karin, wuxuu olole ku qaaday beelihii Daaroodnimadu kulminaysay, siiba Hartigii kale. Dhulbahante iyo Warsangali ayuu isu maray oo ku qanciyey in ay la hinjiyaa arrinta uu wado oo saldhiggeedu yahay xarun Daarood iyo mid Hartiba.

Cidda qudha ee uu Cabdillaahi Yuusuf ku hungoobay waxa ay ahaayeen Marreexaan oo u arkayey in Cabdillaahi ka mid yahay iimaan laawayaashii ka burburiyey dawladdii ay gacanta ku hayeen ee Siyaad Barre gadhwadeenka ka ahaa. Cabdillaahi oo wax badan isku soo dubariday, doonayana in uu isagu meesha madaxweyne ka noqdo, ayaa dadkii la isugu keenay magaalada Garoowe oo markaa xaalkeeda dhaqaale bariga dhexe ahaa. Saddex bilood muddo ka siman baa gorodda la isku la jiray oo shirku socday.

Ergooyin ka kala socda Nugaal, Boosaaso, Mudug, Sool, gobolka Bari iyo magaalada Buuhoodle ayey taladu dhex taallay. Dhanka siyaasiyiinta iyo jabhadihii waxa shirka ka soo qayb galay saddex jabhadood ama urur. SNDU oo ay ku midaysanaayeen beelaha Tanade Daarood, oo Laylakase ugu tun weynaa. Waxa guddoomiye ka ahaa nin la odhan jiray Cali Ismaaciil Cabdi Giirre. Jabhadda labaad waa USP oo ay isku bahaysteen qolooyin la yidhaahdo Harti Waqooyi. Maxamed Cabdi Xaashi oo Dhulbahante ahaa baa guddoomiye u ahaa markan. Jabhadda saddexaad waa ta la odhan karo fikirka Buntilaanba wuu ka soo unkamay oo SSDF ah ahayd, Kornayl Cabdillaahi Yuusufna horkacayo.

Waxa afka qalaad lagu yidhaahdo “Charter” ayaa la isla qaatay in maamul gobolleedka lagu sii hoggoomiyo inta dastuur rasmi ah loo samaynayo. Fikirkii Daaroodnimo haddii ay ka mid ahayd waxyaabihii lagu unkay Buntilaanta ama dadka qaar qabeen, waxa jiray fikir kale oo ka sii laangaabsan oo isna rag door ahi qabeen. Majeerteeniya iyo saldaniddii guunka ahayd in la soo celiyo ayey qabeen rag aynnu mid iyo laba xagga dambe ku sheegi doonno.

Haddaba aasaaskii Buntilaan shan reer oo Daarood ah baa lahaa wada oo go’aansaday in ay ku badbaadaan, iyaguna ku kala badbaadaan. Majeerteen, Warsangali iyo Dhulbahante ayaa u muuq weynaa. Dhulbahante ergadii ugu badnayd ayaa ka timi. Sida la sheego, 90 ruux baa laga soo casuumay, laakiin 130 wax gaadhaya baa isa soo xaadiriyey. Isaaq yaanu kugu xoogaysan baa Dhulbahante dabada ka wadday ee kalgacal Hartinimo kama ay ahayn.

Dashishe iyo Laylakase ayaa afar iyo shank u ahaa. Markaas baa lagu heshiiyey, si toos ah ama dadban, in madaxweynuhu ahaado Majeerteen, kuxigeenku Dhulbahante, guddoomiyaha baarlamanku Warsangali. Laylakase waxa la siiyey guddoomiyaha maxakamadda sare, Dalshishe oo loo arkayey in uu Harti ugu yar yahayna wasiirka maaliyadda ayaa lagu yidhi iimaanso oo bisinka u qaabo.

Bilawgii ugu horreeyeyba waxa dhacay khiyaamooyin la isu hoos raaciyey qiiradii Hartinimadii ee ay dabka ku shideen niman caqli badani. Baarlamaanka ayey Majeerteen yidhaahdeen gobollo ayeynnu ku qaybsanaynaa ee reernimada innaga daaya boowe. Dhulbahante iyo Warsangali oo Isaaq iska eegayaa si indho beel ah bay degdeg ugu aqbaleen arrintii. Oo Dhulbahante iyo Warsangali –iyo xataa Hargi kale toona– dhul ma kula tartami karaan Majeerteen? Gobolka Bari oo qudha waxa uu ka kooban yahay toddoba degmo oo ay Boosaaso ku jirto. Waa gobolka ugu weyn Soomaaliya. Toban xildhibaan oo Mudug heshay, saddex meelowdo laba Majeerteen baa yeeshay.

Khiymaada labaad ee lagu sameeyey Hartigii kale waa caasimadda Buntilaan halka laga dhigayo. Islaan Bashiir oo Ciise Maxamuud ah baa mooshinka ugu badnaa iyo ciddiyo ku dagaallan u galay sidii Garoowe u noqon lahayd caasimadda iyo halbawlaha Hartigii maalintaa duruufaysnaa. Intaa kaddib in guddi loo saaro ayey ka fursan waday. Islaan Bashiir ma nasan ee guddidii oo laba boqol oo ruux gaadhaysa ayuu ololihii ka sii dhex watay isaga iyo niman ay isku Ciise Maxamuud yihiin.

Guddidii, Boosaaso iyo Garoowe ayey miiska soo saartay in loo kala codeeyo. Laascaanood oo berigaa aad uga shidnayd Garoowe cidiba ma soo hadalqaadin xataa. Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay. Markii loo codeeyey labadii magaalo, codkii ugu badnaa waxa heshay Garoowe, saa waa magaalo tol lehe. Madaxweyninihii, aqlabiyaddii baaralamanka iyo caasimaddiiba kolkii qoladaasi isku dubaridatay, ayuu Hartigii kale indhaha taagay oo ciddiyaha cunay sidii dhoocil laga naxsaday. Cusmaan Maxamuud baa haddana xanaaqay ama iska xanaajiey. Laylakase oo marka horeba wuxuu ku hadlo garan la’aa, ayuu ka faramaroojiyey maxakamaddii la yidhi guddoomiye ka noqo oo marka aannu isa soo garaacno noogu kala gar qaad. Laba midh oo kiniin ah baa biyo la’aan lagu liqsiiyey Laylakase. Ka hore waxa ku qoran laandheere laba ma aha. Kan dambena waxa si far waaweyn ah dusha lagaga xarday; MASKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH!

Doontii Buntilaan sidaas bay ku shiraacatay ciddii shidhka ugu jirta iyo ciddii jambiga ka laallaadaana waa yeelkeed.

Xasaraddii ugu horraysay waxa ay aloosmi doontaa 2001 markii Cabdillaahi, oo danihii iyo riyooyinkii uu lahaa aanay wali waxba ka dhaweyni, diiday in uu wareejiyo taladii Buntilaan iyo sidii ballantu ahayd. Kornayl Cabdillaahi Yuusuf oo dhammaystay saddexdiisii sano ee lagu heshiiyey in uu madaxweyne ahaado, wuxuu iminka doonayaa in saddex kalena loogu daro, gar iyo gardarraba.

Buntilaan siyaasaddeedu waxa ay gacanta u gashay hal reer oo Maxamuud Saleebaan la yidhaahdo. Maxamuud Saleebaan ayey ka sii farcamaan saddexda jufo ee Cumar Maxamuud oo Gaalkacyo dega, Cismaan Maxamuud oo Qardho dega iyo Ciise Maxamuud oo Ilaahay sokodii Garoowe iyagu leh. Garoowe waxa ay ka tirsan tahay dhul weynaha loo yaqaan Nugaal oo taariikhdii hore Dhulbahante mooyee aan cid kale waxba laga wayddiin jirin. Hadda se hareeraha ayaa lagaga soo durkay oo Dhulbahante wuxuu ku jiraa xaalad u eeg tii ninkii madoobaa ee “I can’t breath” –George Floyd, ee askartu Maraykanku kow kaga siiyeen sidii ay surka ugaga taagnaayeen.

Saddexdan jufo ee ilma Cumar Maxamuud boqotooyooyinkii hore ee Majeerteen iyo guud ahaan Majeertaba iyaga ayaa hormood u ahaa, illaa haddana hagbadda ama ayuutada siyaasadda iyaga dhexdooda ayuun bay ku wareegtaa oo gacan kale waa ka xaaraan, xataa Majeerteenka kale.

Cumar Maxamuud ama reer Gaalkacayood oo Cabdillaahi Yuusuf ka soo jeedo marka ay wakhtigooda dhammaystaan, qorushu wuxuu ahaa in Cismaan Maxamuud talada lagu wareejiyo. Bishii Julaay, 2001, oo muddo xileedku kaga eekaa, Cabdillaahi markii uu diiday in uu doorasho qabto, waa kan Islaan Maxamed oo tijaabinaya awooddiisa madax dhaqameednimo.

Magaalada Qardho ayuu shir ku qabtay oo uu yidhi ha isugu yimaaddaan wixii Muslim ah ee Majeerteen ahi. Waxa uu ku dhawaaqay in uu doorasho kale qabanayo. Buntilaantii kale xooggeedii –oo Cabdillaahi Yuusuf iyo reerkiisii Cumar Maxamuud cadho kaga maqan yihiin mooyee– baa bishii Noofembar, Jaamac Cali Jaamac madaxweyne loogu doortay. Cumar Maxamuudkii oo cadhaysan buu Cabdillaahi ka soo dareeriyey Gaalkacayo si ay Jaamac Cali Jaamac iyo Cismaan Maxamuudkii doortayba meel u soo saaraan.

Kol haddii Cabdillaahi Yuusuf lagu kacay waa wax aad iska garan karto in cid walba oo ay is hayeen dhanka kale soo xoojinayso oo ka faa’iidaysanayso wixii Cabdillaahi ka dhan ah. Firdhadkii Al-Itixaad ayaa ciyaartii markan soo galay, si ka duwan sidii qar iska xoornimada ahayd ee lagu yaqaanay. Waxa ay olole u galeen Jaamac Cali Jaamac sidii ay abaal u gashan lahaayeen oo madaxweyne uga dhigi lahaayeen. Maddarasadihii iyo malcaamadihii inta ay innamadoodii u soo dhiibteen bay abaabul galeen.

Jaamaca cusub ee talada Buntilaan isu caleemo saaray ama loo caleemo saaray ma haysto xataa guri uu ka soo dhex taliyo. Waxa madaxtooyo u noqotay guri shub ahaa oo uu lahaa nin Ciise Cadde la odhan jiray oo ganacsade ahaa. Muddo lix illaa toddoba bilood ah oo uu Jaamac meesha joogay wuxuu sameeyey xukuumad golaheedii wasiirrada wadata. Waxa wasiirrada ka mid ahaa nin la yidhaahdo Maxamuud Shiddo. Haddaba waagaas ayey bilaabantay maqaaddiir hordhaceedii maanta muuqdo, mustaqbalkana laga yaabo in ay Buntilaan iyo Geeska Afrikaba naaraha ka waraabiso.

Raggii Itixaad ee Jaamac xulafada nasakhan la soo ahaa waxa ay ku yaaceen meelihii ay is lahaayeen dhaqaale ayaa idinka soo galaya. Dekedda Boosaaso ayey gacanta ku dhigeen maamulkeedii oo ka urursadeen waxoogaa adduun ah. Waa meel ay dhadhamo ku barteen oo markii 1992 Cabdillaahi Yuusuf illaa meesha la yidhaahdo Saliid baacsanayeyba dekedda ayey haysteen.

Jaamac Cali Jaamac, isaga oo gurigaa shubka ah oo ku yaallay xaafadda Hantiwadaag, marti ugu ah ganacsadahaa reer Garoowe, ayuu Cabdilliaahi Yuusuf isku soo habaystay wixii loogu bartay ee uu caanku ku ahaa. Col iyo ciidan wata madaafiicdooda iyo artillarigooda ayuu Gaalkacayo ka soo kiciyey oo koonahaa ka soo galiyey magaaladii Garoowe. Nin neceb iyo nin jecelba, marxuum Cabdillaayi Yuusuf la isku ma khilaafsana in uu dagaalka hoodo ku lahaa iyo hibo Rabbaani ah. Cabdillaahi Yuusuf markii uu Muqdisho galay oo qudha uma yeedhan Xabashida ee markan uu Garoowe soo weerarayey baa uga sii horraysay oo ay la socdeen Itoobiyaanku.

Jaamac isaga qudhiisu wuxuu ahaa jeneraal kale oo ciidamadii Soomaaliya ka tirsanaa, Siyaad Barrrena xabsi ugu jiray wax ka badan toban sano. Haddana, dagaalkii Cabdillaahi Yuusuf baa u tumay wilwilo iyo jaandheer wada jira. Waxa la sheegaa in Jaamac Cali Jaamac dirqi naftiisa lagu la baxsaday oo jaranjaro xagga dambe ee gurigii shubka ahaa si firxad ah lagaga saaray. Waxa kale oo la sheegaa, intii aanu Cabdillaahi soo weerarin Garoowe, in uu la soohadlay ganacsadihii Ciise Cadde ee lahaa gurigan Jaamac isku khabbaynayo. Cabdillaahi Yuusuf wuxuu ku yidhi Ciise Cadde, guriga iyo cidda ku jirtaba waan isku duminayaa, lacagta gurigana aniga ayaad igu leedahay ee dhan iiga leexo daacadda. Rabbigay rag baanay Jaamac is arage.

Bilawgii sannadkii 2002 Jaamac dalka oo dhan ayuu iskaga haajiray oo Kanada ayuu galay. Ku dhawaad soddon sano isaga oo aan hal mar meel ka soo muuqan, ayaa codkiisa dib loo maqlay 01, Julaay, 2020. Isaga iyo niman kale ayaa baaq u soo diray qolada Nabad iyo Nolol ee kibirka iyo dulqaad yaraanta isku darsaday.

Markii uu kornaylku ka soo jeestay Jaamac Cali Jaamac, wuxuu cagta cagta u saaray nimankii ahaa hadhaagii Itixaadka ee Jaamac soo luggooyey ama iyagu isa soo luggooyey. 2002 ayey ciidan la yabyabay ku urursadeen meelo Mudug ka mid ah. Markii Cabdillaahi Yuusuf eryaday ayey beledkaba ka haajireen. Sidii ay u yaacayeen ayey orodkii ku galeen dalka Jabbuuti.

Muddo kaddib, markii uu kursiga salka dib u la helay Cabdillaahi Yuusuf, nimankii Jabbuuti u firxaday waxa ay la soo xidhiidheen Islaam Maxamed iyaga oo doonaya in madaxweynaha looga ergeeyo. Islaam Maxamed kolkaas buu Cabdillaahi u soo soo beryey oo ka soo sasabay.

Isla sannadkaa, 2002, waxa dunida ka laalaabtay masuul illaa midnimadii waqooyiga iyo koonfurta hormuud ka ahaa dunida Soomaalida. Waa marxmuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Intii raggaasi Jabbuuti ku maqnaayeen gudaha Buntilaan ma xasarad la’ayn. 05. 08. 2001 ayuu dagaalkii u horreeyey ka dayaamay magaalada Boosaaso. In yar ka gadaal, duleedka magaalada Ceel-Afweyn waxa jabhad ku urursaday nin la odhan jiray Jeneraal Cadde Muuse oo ku kacsan Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisa. Jabhadda wuxuu u la baxay Golaha Badbaadinta Buntilaan. 28-ka bishii Ogos ee 2003, maalin Axad ahayd, waxa barxadda hore xarunta madaxtooyada Boosaaso heshiish ku kala saxeexday Jeneraal Cadde Muuse iyo Kornayl Cabdillaahi Yuusuf.

Heshiiska waxa ka soo shaqeeyey rag uu ugu tun weyn yahay Boqor Cismaan Buurmadow oo Isaaq ah iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah suldaanka guud ee Warsagali. Jeneraal Cadde Muuse iyo golihiisii wax badbaadinayey waxa lagu laaluushay in xukuumadda Cabdillaahi laga siiyo saddex wasiir, laba wasiirkuxigeen, laba agaasime guud iyo saddex agaasime waaxeed oo ay ku luqluqdaan. Wasiirradaa waxa ka mid ahaa nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Faroole oo waxoogaa aqoon ah lagu tuhmayo. Wasiirka maaliyadda ayuu noqday.

Inta waasan Eebbe barri inoo barinayo, aan kugu sagootiyo heesta calanka Buntilaan…

Carrada iyo diintiyo
Calankaan ku dhaartoo
Cirkaan midabkaaga
Cawaale u doortay
Markii lagu ciilee
Colaad kugu raagtay
Inaadan cidloon baan
Ku siiyey codkaygee
Cawaale ha ooyin
Calankii Buntilaan baa
Ku yaalla cidhifkaagee
Caddaanka ka muuqda
Caaniyo nabad weeye
Cawaale ha waayin

Fiiro gaar ah: maanta kaddib taxanuhu wuxuu soo gali doonaa siddeedda fiidnimo ee Geeska Afrika.