Heshiiska Qaahira ku dhexmaray Somaliya iyo Masar waa talaabo kale oo Xasan Sheekh iyo Dawladdiisa Xamar ay qaadeen…W/Q:(Abdirahman mohamed ibrahim)

Heshiiska Qaahira ku dhexmaray Somaliya iyo Masar waa talaabo kale oo Xasan Sheekh iyo Dawladdiisa Xamar ay qaadeen, taasi oo soo dhaweynaysa in Ethiopia ay ku dhawaaqo aqoonsiga Somaliland.

Darwiishkii Ismaaciil Mire waxa lagaa hayey, “Ka shib dhaha Islaamoow, waa naf kii lahaa gadaye”

Waxa la yidhi wiil reer Banaadir ahaa oo Norway ku noolaa baa maagay inuu gabadh Norwegian ah guursado, dabadeed aabihiis oo Degmada Kareaan ee Xamar degan buu soo wacay, markaasuu u sheegay qorshihiisii.

Abiihii wuxu ku yidhi, “igaarkayoow, cidii deriskeena ahaan jirtay ma xasuusataa.” Wiilkii wuxu ku jawaabay Haa, duqii odey Cali ee deriskeena ahaa waan xasuustaa.

Odeygii baa ku yidhi, “xay reerku qabeen?” Wiilkii wuxu sheegay inay dibi weyn cidii deriskooda aheyd ay qabeen. Markaasuu odeydii weydiiyey “dibiga cidi deriska ah xuu suubin jiray?” Wiilkii wuxu yidhi “cidaha magaalka ayaa sacyaashooda u keensan jiray, isna wuu ugu boodi jiray, dabadeena lacag yar baa la siin jiray”

Odeygii hadana wuxu weydiiyey, weligaa ma maqashay iyadoo lagu leeyahay odey cali, dibigiinii sacan buu idiin dhalay ee hooya?” Wiilkii wuxu yidhi, “maya.”

Odeydii intuu cabaar aamusay buu ku yidhi, “igaarkayoow, dibigii odey Cali hadaad Norway la noqonayso, yeelkaa waaye” 😁

Imika waa halkiiye, haday Xamar webiga Niilka u ilaalinayso Masar kaasi oo ay biyihiisa Masar uun faa’ido ay ku qabto, iyaga yeelkood waaye 😁

 

 

 

 

 

Xigasho:Abdirahman mohamed ibrahim

Bandhige@gmail.com