Xasiloonida Afrika waxay ku jirtaa aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland..W/Q: (Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale)

Xasiloonida Afrika waxay ku jirtaa aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland

Heshiiskii ay Soomaaliya la gashay Masar ayaa waxa uu u horseedayaa qaaradda Afrika colaadda Geeska Afrika, waxaana Muqdisho noqn doontaa Falastiin (Gaza of Africa).

Maamulka Soomaaliya ayaa. masayrkii ay ka qaadeen Heshiiska MoU ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya ayaa sababay in heshiis difaac la galaan Masar, taas oo waxba ka badali doonin hirgalinta heshiiska MoU.

Heshiiska caalwaaga ee Maamulka Muqdisho la galay Masar ayaa keeni doona xaalad keeni karta xasilooni darro baahsan oo saamayn nabadgalyo darro ku keeni doonta Geeska Afrika.

Waxaana basiib darro ah in Maamulka Muqdisho oo la dagaalami kari waayay argogixisada in ay waydiistaan Masar in ay difaacaan.waxaana la gudboon in mar hore xasilooni laysku halayn karo ka hirgaliyaan Magaalada Muqdisho inta ay dibadaha meeraysanayaan.

Waxaana ay muuqataa Masar in aanay rabin in xasilooni ka jirto Soomaaliya,hase yeeshee ay dab ku sii shidayso Xasilooni darada ka jirta Soomaaliya.

Waxaan leeyahay dawladda Somaliland waxay raadinaysaa aqoonsi caalami ah oo ay hesho Somaliland, waxaana ku waajib ah muwaadiniinta sharafta leh inay Somaliland u hiiliyaan hawsha ugu horreysa ee maanta.

Beesha caalamka waxaan u sheegayaa in xasiloonida Afrika ay tahay aqoonsiga Somaliland, waayo dalalka Somaliland iyo shacabka Somaliland, 34-kii sanno ee la soo dhaafay, waxay ilaashadeen xasiloonida Somaliland iyo qaaradda Afrika maanta, waa in beesha caalamku ay xil iska saarto Somaliland u aqoonsadaan qaarada Afrika oo xasiloon.

Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale.

Bandhige@gmail.com