HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.5aad (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

 

Nasiib baanu lahaynoo, Saddexdii bilood ee hore waxa aanu wadda degganayn, Maxamed Samatar, iyo Inantiisa Sahra. Dad aad u fiican oo nasab ah bay ahaayeen. Been haddaan iska dhawro, nuskii hore ee aan Hyderabad joogay, waxa aan ka dhignaa sidii nin Boorama ama Gabiley wali jooga. Waan soo toosaa, cunayaa, baxaa! Sahra iyada ayaa nagaga filnayd hawl walba oo – Alle ha daayee –  dumarkeenu qabtaan. Abaal wayn waan uga hayaa. Saddex-dii dambe ayaanu qurbe isku soo baxsanay, oo aan Jikada galay, dhar iyo guri nadiifinna aan u xaydtay. Iyo guud ahaan Daryeelka Hooyo.

Hadda wakhti fiican oo aan magaalada ku soo arki karo waan haystaa, balse hadda ka dib aanan heli doonin. Waxaan raadsaday baabuur Ingaydh ah. La waa! Waxa markii dambe la ii sheegay nin Hindi ah oo Baabuurta kireeya in uu jiro. Maalin dambe oo aan wakhti fiican helnay ayaanu aniga iyo asxaabtu is raacnay oo baabuur Maruti Suzuki (Dzire) ah ayaanu ka soo kiraysanay. Waxaa la naga qaaday lacag u dhiganta $20.

Baabuurta waddanka la wato, 96% waa nooca usha lagu kexeeyo (Manual). Sideena oo kale, Hinidya, baabuurteedu Isteerinku midigta ayuu kaga yaallaa. Balse haadka bidix ayaa lagu socdaa… Dhawrkii saac ee u horeeyey, dareenkaygu waa uu ka jeeday C/fataax iyo C/rashiid oo ila socday. Waxa aan aad isaga ilaalinayay inaan galo, haadkii midigta ee aan awal hore la aqaanay. Waddooyinku waa cidhiidhi. Baabuurtu hal hiish (1 inch) wax gaadhaya ayay isku dhaafayaan. Mararka qaarkood, waxa aan ku siganayaa in aan waddadaba uga baxo anoo ka baqa qaba in baabuurka afka isoo saaray aanu afka is goosano.

Intii aan dariiqyada waawayn marayay, waxa aad iiga yaabisay, siyaabaha kala duwan ee ay darawaliinta hindidu ay seenyaalaha u adeegsanayaan. Baabuurku markii uu baydhayo, inta badan ma rito fareejada ama bidha. Taas badalkeeda gacan ayuu inta garabka ku simo, u ritaa dhanka uu u baydhayo, ama qofka la saran ayaa daaqada kale gacanta ka fidinaya. Taas macneheedu waa ha I dhaafin, ama waan baydhayaaye, iga joog. Hoonka ama siidhiga baabuurka waxa ay u garaacaan habab ay isla yaqaanaan. Tusaale ahaan, haddii uu laba jeer oo daran dooriya iyo mid saddexaad oo dheer is raaciyo, macneheedu waa [baabuurka hore] midig u bax si aan bidix uga laabo. Sidaas darteed baad hadh iyo habeenba hoonku dhegtaada ugu soo shubmayaa.

Hindidu waa dad aad u dabeecad wanaagsan oo samir badan, markii ay timaado hanaanka waddo marista. Hadii aad waddada seexato, lagama yaabo in uu juuq kuu celiyo. Ilaa inta aad ka kacaysid, halkaas ayuu biriigga ku taagnaanayaa. Markii aan rog rogay, waxa aan u fahmay, dadkani dabeecadda xun ee africaanka ayay ka xalan yihiin markooda horeba; Waddooyinka laysku salaamo, ama laguba sheekaysto iyadoo jidka baabuurtu susumayso ayaan dabcigoodaba ku jirin. Sidaas darteed, hakad kasta oo socodkiisa ku yimaad wuxuu markiiba u fahmayaa, in ay cillad ugub ahi jirto, in uu sugaana ay hagaagsan tahay.

Haddiiba aad khaati ka joogta, gaadiidka bajaajta oo kolba ganaf kaa jiidha, waxaad ku fiicnaan lahayd in aad mar Hindiya baabuur ku dhex waddo, Tiiyoo waddo wayn aad wadaagaysaan, baabuurta noocyadii waawaynaa iyo kuwii yar yaraa; bajaajtii, Mootadii iyo baaskiilkii – ninba taagtii! Mootada oo ah tan ugu badan ee Hindidu adeegsato, inta ay ganaf kaa dhaafto, ee [fareejada] gacanta kuu rido, ayay haadkii aad haysatay meel dhaw oo tallaabo kaa horaysa kaga dhacaysaa. Saa waadigan biriiga ku naxay, ee kii dambe dabada kaa hirdin gaadhay. Mar kale, adiga oo goolad cidhiidhi ah ka laab is yidhi, waa tan laba mooto oo qaddimayaa labada dhinac kaa galeen ee waddadii awalba adi kugu yarayd, kaala laabay isku mar!

Lixda fiidnimo, waa xiliga dariiqyadu ugu cidhiidhiga badan yihiin. Waa xiliga shaqooyinka rasmiga ah laga soo rawoxo. Waa duhuradeenii oo kale. Waa xili uu diinkuna kaa hor gaadhayo meesha aad u socotid. Iyada oo gaadiid noocwalba sanka isa saaray, waa meesha haddana aanad arkaynin mid mid taabanaya. Sida uu gaadiidku ugu badan yahay, iyo sida uu shilku ugu yar yahay markaad aragto ayuu dalkii kula noqonayaa magaaladii laba baabuur ee qudha lahayd. Ee marka ay sheed isaga soo baxaan, ‘Waar Kala baydha’ sida loo hayo, aakhirka ay isku baaba’ayeen. Meel afar baabuur joogaan, afartiina farsamo xumo iyo waddo xumo ay kala baydhi garan la’yihiin!

Hindidu ‘Pan’-ka oo ah buuri noocyo badan oo la bidho, ayay aad u cunaan. Magaalo joog xumooyinka ay leeyihiin bay ka mid tahay in ay af-muggii oo balqankiisa ah ay meel walba ku tufaan. Ha yaabin haddii adiga oo waddada saraan, mid ku ag marayaa, inta madaxa bajaajtii uu waday kala soo dhacay uu tarshad cas waddada ku dhirbaaxo. Haddii uu duul-duul kaa soo gaadho iska tir uun, adigaa muraayaddaada u gaabsadaye!

Maalin kale ayaan gaadhi qaatay (Honda cas oo cusub). Markanse waa kaliday. Muraado door ah oo aan lahaa ayaan ku qabsaday. Waxayse iigu darnayd, aniga oo maraya waddo aanan garanayn, markii uu Khadkii Internetka ee hagayay (GPS) aan ku socday uu iga go’ay. Hadiiba, aan tukaan raadi is idhi-na, wax yar ka dib uu ii baxay nalkii shidaalka baabuurka sheegayay inuu gabaabsi yahay! Hindi-da awal horeba quus baan ka qabay in aan I tilmaama idhaa. Hadda ka hor ayay masaafo 10KM ah ay ii sikhireen oo aniga oo lugaynaya siduu albaabba albaabka ku xiga uu iigu tilmaamayay, aan magaalada ka bixi gaadhay! Waxa ay noqotay in intaa aan socdo ay indhahuna hawshooda qabsadaan.

Cabaar kooban wax aan war-wareegoba, waxaa meel dhaw oo kadis ah iigu qaybsamay, waddadii aan ku socday. Kor iyo hoos ayay u kala baxday. Allaylehe ta sare mar! Markii aan qiyaas labaatan tallaabo biriishkii (Waddooyinka is kor mara) kor u fananayo, ayay calaamaddii waddo marista ee iigu soo horeysay iga naxsatay. “Way to RGIA”ayaaba ku xardhan. Shaw waa waddadii Airportka tagaysay! Waa laba haad oo waawayn oo kala go’an oo midna ay tagto, midna ay ka timaado Eeriboodka. Meel ka sokaysa, dhawr iyo labaatanka Kiiloo mitir ee uu taxan yahay oo aan ka soo jiirayn karaa ma jirto. Guluubkiina goorahanba wuu baxayaa! Dee ma war kalaaba jira! Intaan marshadii shanaad u dhiibay ayaan u dhamaystiray.

Ilayn waa kadinkii magaalada’e, waddada booliis baa lagu shiniyeeyey. In uu baabuur ku hakadaa waa dambi. Iskadaa inuu kula fadhiisto’e. 20 Kiiloo Mitir wax aan ka yarayn wax aan bisinka u hayoba, nasladdii koowaad ee biriishka ka degeysay baaba igu soo baxday. Mar Alla markuu aan hoobadkii ka idlaaday, ee aan dhulka u degay ayuu catishayba. ‘Jug… Jug… Jug…’ Gaw!  Waanigan karaar raaciyay ee bidix waddadii uga degey. Wax yar hadii aan gaadhigii ku sii jiray, telefoonana aan dirso leeyahay,  waxa aan hortayda ka halacsaday sawir wayn. Waa Narandra Modi. Raysal Wasaaraha India.

Wax ay ka tahay ma aqaane, kaalin aanu sawirkiisa oo wayni ku ool indhahaygu ma ay qaban (Inkasta oo mid ka mid ah tagsiilayaashu ii sheegay in uu xayaysiis uun yahay, haddana waxaan la yaabay sababta Kaalmaha uun ku koobtay). Mise anigaa la iigu sii dhajiyay, oo uu Leeyahay, anaad Magan-tayda tahay? Mooyi! Ilaahow ka dhig! Mise bidix baan si deg deg ah u eegay. Allaylehe way ahaatay! Mise dhuunta shidaalka qaadaysaa, meel ay ka gaadhayso ayaaban u soo joogsaday. ‘Waar istaraatajisanaa, meesha uu ka furtay!’ ayaan is idhi… Maahee, anuunbay ii tahay! Shidaalkii baan gadhka u galiyay. Isla tukaan u dhawna ka helay Khadkii Internetka oo kaga shubtay. Halkii baanan ka kala jeediyay. Maalintaas baan kaga googoostay gaadhi dambe!.

 

Halkan hoose ka akhriso Qormooyinkii hore:

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.1aad

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.2aad

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.3aad

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.4aad

Cabdirisaaq Saalax

Borama, Awdal.

Contact

0634466677

Abdirasaksalah@gmail.com

ail.com