Ruushka ayaa horumar wanaagsan ka samaynaya sii xoojinta awoodda uu Bariga Dhexe ku leeyahay, wuxuuna hormood ka noqday diblomaasiyadda ku hirdamaysa dalka Suuriya iyadoo uu Maraykanka oo ah waddanka ugu awoodda weyn dunidu uu haatan ku mashquulsan yahay xasilinta siyaasaddiisa kadib markii la doortay Donald Trump oo aanay weli caddayn waxa uu doonayo in uu yeelo.
Waddamadii ay Maraykanka gacan-saarka lahaayeen ayaa ku qulqulaya kana laba noqonaya guriga looga taliyo Ruushka ee loo yaqaan Kremlin-ka.
Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil oo aanay isku istiraatijiyad ahaan jirin madaxweynaha Ruushka ayaa sannadkan ugu yaraan saddex jeer booqday Kremlin-ka isaga oo ka baryaya Vladimir Putin in uu hoos u dhigo ama meesha ka saaro Iiraan oo ku sii xididaysanaysa Suuriya doonaysana in ay ciidan rasmi ah ku yeelato dhulka iyo badda Suuriya. Israa’iil waxay Ruushka u aragtaa cidda kaliya ee hakin karta ama meesha ka saari karta awoodda ay Iiraan ku leedahhay Bariga Dhexe.
Turkiga waa diblomaasiyad ahaan iyo militari ahaanba waa lagaga xoog batay Suuriya. Jabhaddii uu taageeri jiray ee uu kharashka faraha badan ku bixiyey ayaa ciidamada Bashaar Al-Asad si xun u jabiyeen. Rajab Dayib Ordogaan wuxu ka werwersan yahay in Kurdiyiinta oo ka mid noqotay kooxaha dagaalka kula jira ISIS ee reer-galbeedku caawiyaan ay awood ku yeeshaan Suuriya.
Ruushka wuxu u arkaa cidda kaliya ee ka caawin karta in meesha laga saaro saamayn weyn oo Kurdiyiintu ay ku yeeshaan Suuriya oo xad dheer la leh Turkiga.
Ruushka iyo Iiraan ayaa leh istiraatijiyado is-waafaqsan oo aan marnaba iska hor iman. Labaduba waxay taageeraan bashaar Al-Asad, labaduba waxay doonayaan in ay Suuriya joogaan, labaduba waxay ka mid yihiin waddamada saliidda qaniga ku ah. Sidaas daraadeed way adag tahay in diblomaasiyad ahaan la kala furfuro.
Isu soo xooriyoo waxaa haatan muuqata in ay soo baxday Awood aan Maraykan ahayn oo lagala xaajoon karo arrimaha Bariga Dhexe kadib markii muddo rubuc-qarni ah oo ka soo bilaabantay dhammaadka dagaalkii qaboobaa uu Maraykanku ku amar-ku-taaglaynayey awoodda saamayneed ee Bariga Dhexe.
Bandhige@gmail.com