HIRDANKA SIYAASADEED EE GOBOLKA GEESKA AFRICA KA SOCDA MAXAA FAAIIDO IYO QASAARE SOMALILAND KA DHAXLI DOONTAA ?..W/Q:(Mohamed Abdi Jama Dhimbiil )

Gobolka Geeska Africa ayaa toos la isugu badheedhay , dawlada Ethiopia waxay cadeysay in ay ka go’an tahay in ay difaacdo heshiiska is-faham ee ay la galeen Jamhuuriyada Somaliland.

Shirkii aan caadiga aheyn ee madaxweynaha Djibouti oo ah gudoonka IGAD uu ku baaqey in Uganda lagu wada hadashiiyo Ethiopia iyo Somalia , dawlada Ethiopia way ka cudur daaratay , iyaga oo horena u sheegay xataa hadii ay tagaan in aanu waxba ka badeli doonin heshiiskii is-faham ee jamhuuriyada Somaliland.

HADDABA MAXAA XIGI DOONA SHIRKA IGAD ?

Dawlada Djibouti laba mid uun baa u yaalla maanta waxaana horyaalla xujo weyn oo ah in Ethiopia oo 95% dekadaha Djibouti u shaqeeyaan ay waydo iyo in ay jamhuuriyada Somaliland aqoonsato waliba ku qanciso soomaaliya in Jamhuuriyada Somaliland tahay dawlad u soo kordhaysa dadka soomaaliyeed iyo dunida muslimka ahba.

Erateria iyagu waxa ay ka badheedheen in ay soomaaliya hiil iyo hooba garab siinayaan , dawladaha kale ,dawlada Sudan iyagiibaa ku jira qaybsanaan, dagaal iyo murug oo toodii baa cuslaysay.

Koonfurta Sudan oo qadiyad ahaan iyo halgan ahaanba jamhuuriyada Somaliland wakhti iyo waayo badan soo wada mareen waxa la filayaa in ay ku qanacsan tahay qadiyada aqoonsiga jamhuuriyada Somaliland oo horena ugu lahayd Juba safaarad.

Uganda waxa jooga ruug cadaa siyaasadeed oo culus dhowaana waxaa gaadhay qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo uu si diblomaasiyadeed uga hadlay waxaana laga yaabaa in uu waaqica ku go’aan qaato.

Kenya waxa laga filayaa inay dhinaca saarto soomaaliya oo dano badani kaga xidhan yihiin inkasta oo aanu xumeyn xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somaliland .

MAXAA XIGI DOONA HADII ETHIOPIA IGAD LAGAGA ADKAADO ?

Ethiopia oo saameyn ahaan iyo siyaasad ahaanba ah dal qaarada Africa aad ugu xoog weyn isla markaana midowga Africa u ah xarun waxaa suuragal ah in ay kaalin xoogan ka qaadato qadiyada jamhuuriyada Somaliland ee taalla xarunta midowga Africa oo 2005 u soo direy wafti xaqiiqo raadin ah in boodhka laga tumo.

Arinkaasi oo jamhuuriyada Somaliland faaiido iyo guul weyni ugu jirtana si isku duubni ah dawladaha Africa u aqoonsadaan oo intooda badani og yihiin xaqiiqada jirta horena dawlada Somaliland ugu gudbisay.

SOMALILAND MAXAA DHIBAATOOYIN KA SOO GAADHI KARA WAXA SOCDA ?

Marka aynu eegno ololeyaasha socda ee dadka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan la leeyahay bad soomaaliyeed ayaa Ethiopia qaadaneysaa isla markaana xukuumada jamhuuriyada Somaliland ka aamusan tahay kiciyaan caadifado iyo dagaalo lagu soo qaado jamhuuriyada Somaliland .

In dagaalka hadda socda ee soomaaliya warbaahinta ka wado loo badelo mid hubaysan oo dalka jamhuuriyada Somaliland lagu soo qaado , sidoo kale wax kasta oo ay jamhuuriyada Somaliland yeeli karaana ku kacaan.

In argagixisadu jamhuuriyada Somaliland ugu soo gabato arimahani taagan oo ay soo gaadhaan falal argagixiso, inkasta oo jamhuuriyada Somaliland ka warqabto isla markaana leedahay awoodaha iyo aqoonta lagula dagaalamo argagixisada.

La soco…

 

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

Bandhige@gmail.com