Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare..

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka Socda Baanka Aduunka kaasi oo ay hogaaminaysay Ms Chantal Richey oo ah Madaxa mashaariicda horumarinta biyaha ee uu maalgeliyo Baanka Aduunka.

Intii kulanku socday waxay labada dhinac ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Baanka Aduunku uu ka taageerayo wadanka Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya dawlada Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Qorshaynta Somaliland iyo Baanka Aduunka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye (Toorno) ayaa waftiga war bixin ka siiyey mudnaanta uu Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad siinayo qabashada biyaha roobka iyo sidii loogaga faa,idayn lahaa dadka reer miyiga ee ku nool deeganada Kala duwan ee Somaliland.

Mashruuca Barwaaqo ayaa ka mida mashaariicda ugu waa weyn ee Baanka Aduunku ka taageerayo wadanka Somaliland kaasi oo xooga saaraya horumarinta biyaha, beeraha iyo deegaanka ee dadka reer miyiga ee ku nool deegaanada Somaliland.