Hoggaamiyeyaasha dunida oo dareen cabsi ah ka muujiyay in khilaafka Iiraan iyo Israa’iil sii xumayn karo xasilloonida gobolka iyo falcelinaha kala duwan ee ay ka bixiyeen.W/Q(Mohamed Dhimbiil)

Beesha caalamka ayaa sida fiinta uga qaylisay weerarkii ay Iiraan la beegsatay Israa’iil ee ay u adeegsatay diyaaraha is wada ee qarxa iyo gantaalaha oo ah markii u horreysay ee ay weerar noocan ah Iiraan ka geysato gudaha Israa’iil.

Tehran ayaa Israa’iil ugu hanjabtay weerar aargoosi ah ka dib markii ay 1 bishan yuhuuddu weerar la beegsadeen qusuliyadda Iiraan ee dalka Suuriya kuna dileen 13 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sare oo u dhashay dalka Iiraan.

Xoogagga Israa’iil ayaa bayaan ay soo maanta ku sheegay in ay gantaalaha ay Iiraaniyiintu ku so ganeen badankoodii ay ku qabteen meel dibadda ka ah xuduudda Israa’iil.

Hadda ba side madaxda dunida iyo ururrada caalamiga ahi uga fal-celiyeen weerarkii xalay ee ay Iiraan kaga aargoosatay Israa’iil.

Arjentiina

Xafiiska madaxweynaha dalka Argentina Javier Milei ayaa laga soo saaray bayaan lagu garab istaagayo yuhuudda, kaas oo lagu sheegay in dawladda Argentina ay garab taagantahay Israa’iil oo weerar ka lagu soo qaaday dartii. Waxaana ay intaa ku dareen in Argentina ay ka go’antahay in ay difaacdo Israa’iil oo ay ku tilmaameen in ay jiritaankooda ka difaacayaan maammullada taageerada siiya argagixisa, oo ay ula jeedaan Iiraan.

Baraasiil

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Baraasiil ayaa warqad ay soo saartay iyana ku sheegtay bayaan kaas Arjentiin la mid ah oo ay ku leeyihiin waxa aanu Israa’iil siinaynaa ka hortag kasta oo ay u baahantahay in ay kaga gaashaamato weerarrada Iiraan.

Kanada

Raysal wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau oo werbaahinta kula hadlay magaalada Ottawa ayaa isna sheegay in uu si weyn u cambaaraynayo weerrarada cirka ah ee ay Iiraan ku qaadday Israa’iil, isaga oo intaa ku daray in ay garab taaganyihiin Israa’iil.

Waxa uu Iiraan ku eedeeyay in ay bishii Ogtoober 7 deedii ururka Xamaas ku taageereen weerarkii ay Israa’iil ka geysteen, taas oo gobolka bariga dhexe ku keentay in nabadgelyadiisu degi weydo.

Shiinaha

Shiinuhu waxa uu isaga u hadlay qaab dhexdhexaadnimo ah, waxaana afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Shiinuhu yidhi “Waxa aanu ka xunnahay weerarrada dhacay, waxaanaanu ugu baaqaynaa labada dhinac in xaaladda la dejiyo oo dhinacyadu is xakameeyaan si aan amniga gobolku faraha uga sii bixin”

Kolombiya

Madaxweynaha Kolombiya Gustavo Petro isagu waxa uu waxa uu si cad u sheegay in qalalaasaha iyo waxa dhacaya ba cidda shidday ay tahay Maraykanka oo Israa’iil ku taageeray xasuuqa dad bani aadam ah iyo Yuhuudda oo iska qaban waayay waallida hoggaamiyahooda.

Madaxweyne Gustavo Petro waxa uu yidhi “Cid waliba way taqaan sida dagaalladu ku bilaabmaan, ma se jirto cid taqaanna sida ay ku dhammaadaan. Qarammada midoobay waa in ay degdeg u fadhiistaan oo ay nabad ku baaqaan”

Masar

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Masar ayaa iyana ku tilmaantay weerarka cadaawad iyo wax laga xumaado, waxaana ay ku baaqday in la is xakameeyo oo dagaalka la joojiyo.

Masar waxa ay bayaankeeda ku sheegtay in ay ka digayso colaadda oo gobolka ku fidda. Waxaana ay Masar sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wada hadalsiiso dhinacda khilaafku ka dhexeeyo.

Midowga Yurub

Ururka Midowga Yurub isagu si culus ayuu u cambaareeyay weerarka Iiraan waxaana uu ku tilmaamay wax aan la aqbali Karin.

Fansiiska

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Faransiiska Stephane Sejourne ayaa isna ka hadlay sida ay uga xun yihiin weerarka Iiraan, waxaana uu ku tilmaamay in Iiraan ay qaadayso tallaabo qaldan oo horseedaysa amnidarro iyo mushilado hor leh.

Jarmalka

Dalka Jarmalka oo isna ka mid ah dalalka Yurub ayaa si adag uga hor yimi weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay si kulul u cambaaraynayaan, waxa ay Iiraan ku kacday oo ah bay yidhaahdeen khatar cusub oo aan dan u ahayn guuda ahaan gobolka bariga dhexe.

“Si buuxda ayaanu u garab istaagaynaa Israa’iil xilligan” ayaa ay tidhi wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jarmalku Minister Annalena Baerbock.

Joordan

Dalka carbeed ee Joordan oo isna maqif dhexdhexaadnimo ah qaatay ayaa sheegay in aargoosi iyo weerar kasta oo dhaca uu gobolka ku hoggin doono waddo khatar ah. “Waa in dhammaan dhinacyadu dhimaan weerarrada oo xaaladda la dejiyaa” ayaa uu yidhi raysal wasaaraha dalkaas Joordan Bisher Khasawneh.

Gadar

Dawladda Gadar ayaa iyana bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dhinacyada ugu baaqayso in xaaladda cagaha loo dhigo oo aan halkaa mushkiladda la dhaafinnin. Wasiirka arrimaha dibedda ee Gadar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in weerarradani khatar ku yihiin horumarka gobolka, sidaas darteed na ay ugu baaqayaan dhinacyada xurguftu ku dhaxayso in ay is dejiyaan oo ay isxakamayn ku daraan.

Ruushka

Dawladda Ruushku waxa ay iyana sheegtay in ay dhinacyada ugu baaqayaan is xakamayn iyo xaaladda oo la dejiyo, si aanay khatar kale oo intaa ka badni u iman. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa qoraal ku yidhi “Waxa aanu ku celinaynaa digniinta ah in mushkilad kasta oo aan la xallinin oo ka jirta bariga dhexe kana soo bilaabmatay khilaafka Falastiin iyo Israa’iil ay horseedki karaan in xaaladudu sii cakiranto, taas oo ay dabka ku sii shidayaan cid gaar ah oo qayrul masuul ah”

Sucuudi Carabiya

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Sucuudiga oo isna bayaan soo saaray ayaa sheegay in ay dhinacyada ugu baaqayaan is dejin, waxaana uu tilmaamay in arrintan oo sii socotaa khatar ku tahay gobolka, sidaas darteed na ay soo jeedinayaan in nabad geliyada gobolka loo tudho, Qarammada midoobay na ay qaataan doorkooda nabadaynta.

Spain

Raysal wasaaraha dalka Spain Pedro Sanchez oo brtiisa X qoraal ku baahiyay ayaa muujiyay door dhexdhexaadnimo ah waxaana uu dhinacyada ugu baaqay in ay joojiyaan weerarrada.

Yukrayn

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ga dalka Yukrayn ku baaqay in laga hor tago dhibaato kale oo ka sii qaraxda gobolka. Iiraan ayaa uu ku eedeeyay xasilloonidarrada gobolka. Zeleneskyy ayaa is garab dhigay Iiraan iyo Ruushka waxaana uu sheegay in ay yihiin maamullo arxan daran oo argagixisada taageera, sidaas darteed na ay muhiim tahay in dunidu u midowdo oo laga hor tago dhibaatadooda.

Ingiriiska

Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa isna qoraal uu bartiisa X soo dhigay ayaa Iiraan ku eedeeyay in dhibta oo dhammi iyada ka bilaabmato, waxaana uu sheegay in Ingiriisku uu u kacayo sugidda nabadgelyada Israa’iil iyaga oo kaashanaya saaxiibbada kale ee gobolka oo ay ka mid yihiin Joordan iyo Ciraaq

 

 

 

Xigasho :Mohamed Dhimbiil

 

Bandhige.com