hoggaamiyihii dawladdii islaamka ee Cabaasiyiinta ayaa gole ay haldoorkii bulshada fadhiyaan ka tiriyey gabay..W/Q:(Kamaal Marjaan)

Waxaa la yidhi Ma’muun, hoggaamiyihii dawladdii islaamka ee Cabaasiyiinta ayaa gole ay haldoorkii bulshada fadhiyaan ka tiriyey gabay uu isagu allifay. Markii uu dhammeeyey ayaa uu ku jeestay gabayaagii weynaa ee Abu Nawaas oo madasha fadhiyey, isaga oo weydiinaya, “Ka warran gabaygan?!”

Abu Nawaas ismaba uu dhibin ee waxa uu si fudud ugu sheegay in xitaa ur yar oo xikmad iyo hal-abuurnimo aanu ka dareemin.

Ma’muun waa uu xanaaqay, kaddib ilaaladiisii ayaa uu amray, marka ay dadku kala dareeraan in ay si aan la arkayn u qabtaan gabayaa Abu Nawaas oo ay ku xidhaan xerada xoolaha.

Abu Nawaas muddo bil ah ayaa uu xabsigii ku jiray, markii la soo daayey ayaa uu maalin kale sidii caadada u ahayd haldoorka waxa uu yimid golihii hoggaamiyaha. Maalintii dambe ayaa uu amiirkii Ma’muun gabay kale ka akhriyey golihii, intii aanu dhammayn ayaa uu gabayaagii Nawaas golihii oo wada hoganaya ka dhex kacay. Ma’muun ayaa weydiiyey, “Xaggee aad tegeysaa?!”

Nawaas waxa uu yidhi, “Mudane xeradii xoolaha”

Haddaba akhriste, adiga weli ma ku soo martay in aad dhegeysan kari weyday hadalka hoggaamiyahaaga siyaasadda oo aad iska demisay, ama goobta ka tagtay. Anigu “Haa”