MO SS AD: GUULAHA IYO GUULDARROOYINKA HAWLGALLADEEDA (1)..W/Q:(KamaalMarjaan)

Ronen Bergman waa qoraa iyo saxafi baadhe ah oo Yu huu di ah, waxa uu si gaar ah dabagal iyo gorfayn ugu sameeyaa arrimaha sirdoonka, siyaasadda iyo milateriga. Ronen waxa uu qoray tobaneeye buug oo kii u dambeeyey ee soo baxay 2018 uu u bixiyey, ‘Rise and Kill First: The Secret History of Israel’s Targeted Assassinations’. Waxa uu si xiise leh uga sheekaynayaa taariikhda khaarajinta uu sirdoonka Is raa iil ku sameeyo dadka uu u arko in ay cadow ku yihiin ee ku nool dalalka dunida. Waxa uu sheegay in Is raa iil tahay dawladda dunida ugu badan ee dibadaha wax ku khaarajisay. Dilalkaas ayaa uu sheegay in ay soo bilaabmeen 1905. Intii aanay dawladda Is raa iil dhismin, ee ay ururrada iyo jabhadaha Yu huuddu ku guda jireen halgankii ay dhulka Falastiiniyiinta ku boobayeen si ay dawlad uga dhistaan.

Magaca buugga ee ‘Kac oo dilka kaga horree’ (Rise and kill first), waxa uu ka soo dheegtay erey ku jira kitaaka Yuhuudda ee Talmuud oo macnaheedu yahay, “Haddii uu yimaaddo qof doonaya in uu ku dilo, kac oo dilka kaga horree”

Ronen intii uu waday xog ururinta buugga, waxa uu tixraacay kumannaan dhukumantiyo dawladeed oo sir ah, waxa aanu kumannaan xog waraysi la yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxyaha istaraatijiyadaha ammaanka iyo siyaasadda Is raa iil, siyaasiyiin ay laba raysalwasaare oo hore ku jiraan, iyo saraakiil sirdoon oo uu ka mid yahay taliyihii hore ee MO SS AD.

Mar uu ka hadlayey sababta uu magacan ugu doortay buugga, waxa uu sheegay, masuuliyiintii uu la kulmay badankoodu in ereygan ‘Kitaabka Talmuud’ ku jira’ ay daliil ka dhiganayeen, marka uu weydiiyo sababta ay Is raa iil u khaarajinayso dad aan markaas dagaal toos ah kula jirin.

Dadkaas ay khaarajisay waxaa ka mid ah masuuliyiin dawladda Ingiriiska ka tirsanaa oo Yu huuddu ay u arkaysay in ay danaheeda ka soo horjeedaan. Tirada dadka ay dishay 70 sanno oo ay jirtay, ayaa uu sheegay in aanay ka yarayn 2700 oo ruux. Waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsanaa ururrada Xa maas iyo Xis bullaah, hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka tirsanaa ururka FA TAX ee dawladda Falastiiniyiinta hoggaamiya, iyo saynisyahanno waaweyn oo Ii raan u dhashay. Dadka uu sida gaarka ah u xusay in sirdoonka Is raa iil uu dilay waxaa ka mid ah hoggaamiyihii Falastiiniyiinta ee magaca weynaa Yaa sir Cara faat, Sheeh Ax med Yaa siin aasaasihii ururka Xa maas, Ami irka Cas (Cali Xa san Salaa ma) taliyihii ururka sab tembarta madow, halyeeykii ku xeeldheeraa samaynta qara xyada ee Xa maasm Yax ye Cayaash iyo rag kale oo badan.

Ronen Bergman waxa uu sheegay in farsamada ay MO SS AD u adeegsatay khaarajinta dadkaas ay ka mid tahay, sun muddo bil ah qofka ku dilaysa ugu dartay macjuunka lagu cadaydo iyo Shaglaydh (Chocolate), diyaaradaha iswada (Drones) oo ay ku weerartay, talefannadooda gacanta oo ay ku qarxisay, rasaas toos ah, qaraxyo iwm.

Dhacdooyinka yaabka leh ee uu ka warramayo waxaa ka mid ah amaro uu raysalwasaarihii hore ee Is raa iil Ariyeel Shaa roon ku bixiyey, in la soo rido diyaarado carruur dhaawac Falastiiniyiina ahi saarnaayeen, iyo diyaarado ganacsi, isaga oo filayey in uu Yaasir Carafaat saaran yahay.

LA SOCO Qaybo kale…

 

Qore:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com