Sida aynu ka war hayno dalkeena waxa ka dhacay abaaro baahsan oo soo noqnoqday kuwaasi oo galaaftay nolosha dad iyo duunyaba, marka aynu milicsano dhinaca xoolaha waxay u dhinteen baad iyo biyo la’aan, halka qaar kalena u dhinteen xanuuno ka dhashay abaarahaa, tusaale ahaan qofkii lahaa laba tiro oo adhi ah una dhiganta (200) neef waxa u soo hadhay ilaa 30-meeyo ama wax ka yar, halka kuwo kalena noqdeen caydh.
Haddaba dadka intii xooluhu u soo doogeen, sida caadaadda ah bishan Arafada waxa furmay sayladaha xoolaha, si loogu daabulo munaasibada Xajka barakaysan ee ciidul Adxada.
Laakiin waxaa nasiib daradu ku noqotay, filashadii dadka xoolo dhaqatada oo saraysay iyo waxay rajaynayeen iyo hoos u dhaca lama filaanka ah ee ku yimid sayladaha xoolaha oo dadkii reer miyiga ahaa ku noqotay guul darro iyo gacmo madhan. Waayadii hore neefku wuxuu goyn jiray, gabad bariisa iyo gadbad sonkor ah, imikana arrintu way is bedeshay boqolkiiba 30% ilaa 40% hoos u dhac baa yimid.
Waxaan la kulmay hooyo Sahra oo ka timid miyiga kuna soo hungowday saylada xoolaha ee magalada Hargeysa. Waxay ii sheegtay in ay keentay saylada adhi ahmin ah oo tiradiisu dhan tahay 15 neef, waxa layga iibsaday 2 neef oo kaliya, intii kalena gaadhii ay ku soo qaaday ayey dib ugu celisey. Waxaanay tidhi:
“Kharaash uun baanu korodhsanay waa tacab qasaar. Ummaddoo dhana way nala qabtaa, imikiyo haatan ma haysano wax aanu raashin siisano ama carruurtii dharka ciida u siino.”
Dad goob goobajoogayaal ahaa ayaa sidoo kale sheegay shirkadihii iibsanayey xooluhu in ay iibsadeen intii loo baahna, hiliblihiina qiime jaban oo aan u qalmin ayuu ku doonayo xoolahii lagu tabcay ee intaas oo dhibaato ah lala soo maray, taasina waxay muujinaysaa in suuqa xooluhu gacanta ugu jiro ganacsato qawlaysato ah oo waliba dhiig miirato ah oo aan u naxariisanay walaalahooda jilicsan ee reer miyiga ah. Haddaba waydiintu waxay tahay, haddii aynu sidaa ku sii socotana, maxaa mustaqbalka reer miyigeena ku dambayn doonaa ?
Haddii reer miyigu magaalada soo galaan, xooluhu ma ku hadhi doonaan miyiga? Dawladdeenu ma dareensan tahay dhibaatadan balaadhan ee ay la kulmeen xoolo dhaqateeddii?
Sidee ayeynu uga xorownaa ganacsigeenan gacanta ugu galay shirkadahan aan danyarta u tudhayn?
Hees baa waxay tidhaahdaa:
“Ninba tacabkii togooy kaa maal.”
Markaa waxaan gacanacsatada leeyahay, haku tumaninee u tudha dadkiina, dawladdana waxaan leeyahay miyaad ilawdeen in dhaqaalaha waddankeenu inta ugu badan ku tiirsan yahay xoolaha nool.
La soco…………………
W/Q: kamal Xasan Isaaq
Kamaal Xassan Isaaq
Tell: 00252-634402758
Muwaadin Dalkiisa iyo Dadkiisaba jecel.
Hargeysa Somaliland