“Dib u soco, hore u soco, …hore iyo dibba u soco” Waxa ay ku jirtay maanso ka mid ahayd maansooyinkii uu kaga qaybgalay Yuusuf Aadan, silsiladdii Deelleyda dhammaadkii todobaatanaadkii ilaa bilawgii siddeetamaadkii. Ilaahay ha u naxariisto Yuusuf Adan Allaale.
Dig digtoonow! dhexda raac, horaysoco,, dibujeeso, horaysoco, joogso, kow laba kow! kow laba kow! kowo laba kow!
Layliga ciidanka ayaa marka ay gaardinayaan erayadaa la adeegsadaa. Saf siman baa la galaa oo askarta la geliyaa, saddex saddex baa la isu taagaa. Safafka ugu horreeya inta ugu dhaadheer (caqli iyo garasho laguma doorto) baa la geliyaa. Marka safka la wada istaago ayuu askarigii gaardiga hoggaaminayey ku dhawaaqaa DIG, isagoo codka meel aan la qiyaasi karin kasoo jaraya, kuye DEBCI, wuu ku celceliyaa oo DIG iyo Debci ayaa dhawr daqiiqadood lagu hakadaa. Waxyar ka dib ayuu yidhaa dhexda raax, dhexda raac, horaysoco. Waxoogaaba baa iyadoon la socon ayuu yidhaa dibujeeso, horaysoco, dibujeeso horaysoco.
Xaggee ciidankaasi u socdaa? Meellaba uma socdo, waa layli sida u yaalla. Waxa aan xasuustaa garoon la odhan jiray Qalbidile oo xeebta magaalada Muqdisho saaran, una dhaw gegida dayuuradaha ee Muqdisho, ayaa afar saacadood aanu ku meeraysan jirray, dib u soco, horay soco, hore iyo dibba u soco, joogso, darandoorro, hab hab hab hab , darandoorri. Adigoo aanay dhanna kaaga jirin baad ka imanaysaa Qalbidile.
Maxaa loo xiijinayaa askarta dhibbooga ah? Haa dee waa dhibboo, oo magacooda ayaaba ah in la dhibo. Taa waxa ka dhigan bulshadeena oo dhibboo laga dhigay. Shir beeleed, haa danaheenna ayeynu kaga hadlaynaa. Danta innoo gaarka ahi waa tee? Dee waa cusbitaalada, waxbarashada, ceelasha, iyo dee in aynu wax isku ogaanno oo dadkii kale waa ay inna dhaafeene, aynaan habaqle noqon. Waar dee waa runtooda, maxaa inoo diiday beeshii heblaayo sawtii shirtay, innaga ayuunbaan dad ahayn, waa in aynu danaheena ka wada hadalnaa. Waar mayee dee dawlad baynu leenahay, oo arrimahaa inoo qaabilsan. Qaran baynu dhisannay, oo hawlahaa inooga shaqaynaya, maxaa innaga inoo gaar ah? Waxa inoo gaar ah, waxa u gaarka ah beesha reer qudhac –miyaanaad arag sida ay isugu duubanyihiin. Xataa kooda xun way qarsadaan, innagu keenni wanaagsanaa baynu xataa dilaynaa, wallee reer innaga xun maan arag.
Waa dig dib u jeeso. Haraynu u soconnay ee maxaa dib inoo celiyey? Askarta iyo layligooda waxa ugu mudan, in uu askarigu noqdo qof laylyan oo aan amarka diidin. Bulshada reer Somaliland waxa dhex socda waa sidii loo laylin lahaa. Dhibboo xero ugu xaraysan kooxo yar baa laga dhigay. Haddii la yidhaa dig digtoonow. Dhammaan waa aynu digtoonaanaynaa.
Madaxweyne dahsoon baa inna dhex socda. mana aha madaxweyne keliyaa ee 100 madaxweyne ayeynu leenahay. ka ladoortaa haddaanuu iyaga ku daba faylin waxba kala socon maayaan. Boqolka madaxweynena, mid kastaaba dan u gaar ah oo aan xataa beesha dan u ahayn buu wataa. Ujeedada qoraalkani maaha in beelnimada la baab’inayo, ee waa ta gurracan oo hore u soco oo hadana dib u soco, si aanaad meelaba u gaadhin, ayey farta ku fiiqaysaa. Aamusnaanutana waa oggol. Sidaa darteed qofka aan dhibboogaa ka mid noqonaynow, farta taag oo sheeg. Haddii kale ciidanka layliga ee kow laba, kowlaba lagu xiijiyey baad ka mid noqon.
U fiirso, kow laba –kow laba, askariga tababarka wadaa saddex kuma daro, ma dhaafto kow laba. Dib u jeeso, hore u socona meel laguma gaadho ee garoonkaa Qalbidlie ayaa lagu meeraystaa. Ciidan aan jaho lahayn yaan bulshada laga dhigin. Beeluhu wax badan bay qabtaan odayaashoodu (maaha reer magaalka ku xoogsanaya, beenta) waa maxkamad waa wasaaradii maaliyadda, tii difaaca, tii waxsoosaarka intaba odayaasha beelaha ayaa gacanta ku haya. In la habeeyo, oo wax lala qabtona waa muhiim. Laakiin, tan magaalada, ee sida xun u ilbaxday haddaan halkeeda lagu damin, meel dheer baa laga dooni. Baahida beeshuna waxa ay taalla waa miyiga, ceelal baa loo baahan yahay, dhuldaaqsin ah baa loo baahan yahay, daryeel guud oo deegaan kasta ah baa loo baahanyahay. Looma baahna yaa xisbi hebel inoo metelaya! Taa beeli ma go’aamin karto.
Xisbiyada yaan la caayin, oo beelaha yaan la caayin, qofkastaaba waa xor, fikir xor ah, ha la-la yimaaddo. Digtoonaw, dib u jeeso, dhexda raax, kow laba, kow kuma jirayno.
Uf Qabiilka anaa leh, wuxuunbaa ku adeegta, nin iskii kartidiisa isu taagi karaynin, una haysta ateero, ayaantuu denbi geysto, laga hoos galo eedda.
………………….Waa dardaarankii Geesigii erayga xorta ah, IHN Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Sweden/ 24-08-2013