Waxa Hargeysa lagu qabtay xaflad lagu soo gunaanaday ololaha 16-ka cisho ee ka-hor-tagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda la shaqeeyaan ayaa waxay xalay sida wada jir ah waxay u soo gunaanadeen ololaha 16-ka cisho ee ka-hor-tagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Musaasibadan oo wadajir u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda maxaliga iyo caalamiga ahi, waxa ka soo qayb galay Wasiir-dawladaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, Agaasimaha xidhiidhka ee Ha’yada xakamaynta AIDs-ka Sahra Guuleed iyo Guddoomiyaha Xuquul Insaanka Somaliland.

Ugu horeyn waxa xafladan ka hadlay Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, waxaanu ka hadlay ujeedada ololaha iyo gunaanadkooda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan caawa u mahadnaqayaa dhammaan ururada iyo ha’yadihii ka soo hawl galay ololihii 16-ka cisho  eek a dhanka ah tacadiyada haweenka, waxaanan idinkula dardaaramayaa in aad ololaha sii wadaan.”

Sidoo kale waxa musaabidan ka hadlay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luul Aadan Geedi oo sharaxaad dheer  ka bixisay ujeedada ololahan iyo dhibaatooyinka uu leeyihiin tacadiyada ka dhanka ah, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Waxaynu ku soo guddo jirnay olalaha ka dhanka haweenka oo aynu daah-furnay 25-kii bishii hore, maalintan caalamiga ahna waxa la bilaabay 1980-kii oo lagaga bilaabay qaarada Laatin Ameerika, inkastoo ay Qaramada Midoobay ansixisay 1999-kii taasi oo loo aqoonsaday caalami.”

Dhanka kale waxa xafladan ka hadashay Guddoomiyaha Ururka Xuquuqal Insaanka Qaran Fatxiya Jaahuur oo ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda bani-aadamku, waxaanay tidhi:

“Maanta waxaynu xusnay maalinta adduunka u aqoonsaday maalinta caalamiga ah xuquuqda insaanka taasi oo lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah bani-aadamka.”

Sidoo kale waxa xafladan ka hadashay Agaasimah xidhiidhka ha’yada xakamaynta AIDs Sahra Guuleed oo ku dheeraatay ahmiyadda ololaha 16-ka cisho iyo muhiimada ay leedahay in ay dhallinyarada ogaato xaaladooda caafimaad taasi oo ha’yadoodu ku dhowaaqday in dadweynuhu isbaadhaan ka hor inta aanan isguursan, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“1-dii Diisambar waxaynu xusnay maalinta xakamaynta AIDs-ka taasi oo ay kasoo qayb galeen dhallinyarada aad tiro badan, kuwaas oo aanu ku dhiiri gelinay in ay isbaadhaan, waxaanan ugu baaqayaa dhammaanba dhallinyarada isguursanaysa in ay baadhaan.”

Ugu dambayntii waxa soo gebagebeeyey xafladaasi wasiirka wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cumar  Sheekh Maxamed oo ka hadlay baaqa ay u dirayaan baarlamaanka iyo joogtayna arrimahan sii bulshada looga wacyi-gelin lahaa, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

 “Iyadoo ay soo xidhayno ololaha 16-ka cisho ee ka dhanka tacadiyada haweenka, kuwaas oo ku soo badanaya guud ahaanba waddankeena, waxaanan u baahan nahay in ay baarlamaanka Somaliland meel mariyaan xeerka horyaala ee arrimaha bulshada, waanu ognahay oo waxay baarlamaanka xooga saaraan xeerarka khuseeya arrimaha siyaasada, waxaanu hortuulan baarlamaanka xeerar badan oo arrimaha bulshada, kuwaasi oo wasaaradeydu horgeysay saddex xeer, wasaaradaha kale iyo ha’yadduhu kalena waa nala mid.”

Isagoo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Yarayna tacadiyada ka dhanka haweenka waxa lagu yarayn karaa iyadoo la helo xeerar ama sharciyo lagu xukumo dadka gaysta.”

Gebagebadii waxa uu wasiirku u mahadnaqay dhammaanba kasoo qayb galayaashi munaasibadaa iyo ururadii ka soo shaqeeyey abaabulkan hawshan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com