Horumar intee leeg ayaa laga gaadhay Mashruuci Dib-u-Habaynta Maaliyadda Dawladda Q1aad (WQ: Yuusuf Maxamed Xuseen)

“Horumar intee leeg ayaa laga gaadhay Mashruuci Dib-u-Habaynta Maaliyadda Dawladda ee Bangiga Adduunku iyo Adam Smith ay gacanta ku hayeen ayuu ku saabsanaan doonaan maqaalkan  oo bar-bilow ah maqaallo si taxane ah aan u soo daabici doono haddii Alle Yidhaahdo.”

Dib u habayntu wuxiu ka bilaabmaa hal qof ilaa dawladdnimada, Soomaalidu waxay  ku maahmahada:

“Waxa ilmaha u dana ayaa umushana u dan.”

Wixi u dan Dadweynaha ayaana u dan Dawladda. Waa maxay dib u habayn? dib u habayntu waa in qaabka Dawladdu hore ugu sugnayd  mid ka wanaagsan loo guuraayo, iyada oo lagu daray Cilmi, Aqoon xeel dheer oo ku saabsan isbedelka, daacadnimo, xilkasnimo iyo karti hufan, kor u qaadiida tayada shaqaalah iyo talo saarasho.

Dib u habaynta  aan ka hadlaya  waa ta  ku saabsan dhinaca Maaliyada Dawlaada  iyo Dhaqaalaha Wadanka, laga soo bilaabo  2009-kii, Waxa la waday Dib u Habaynta Maareynta Maaliyadda Dawladda (PFM).  Dib u Habayntaasi waxay daarna tahay shan qodob oo kala ah,

  1. Maamulida Dakhliga(Revenue Management)
  2. Maamulida Miisaaniyada (Budget Management)
  3. Habka wax Iibsiga (Procurement)
  4. Korjoogida Maamulka Maaliyada(PFM Oversight)
  5. Maamulka Maaliyada iyo Warbixinta(Financial Management & Reporting)

Sida laga helaayo warbixinaha  ay soosaaren Banigaga Adduunku wuxu ku amaanay Dawlada Soomaaliya sida wanaagsan ee  ay u hagaajiyeen hanaanka Maaliyadda ee dalkooda; hadaba maxay ka faaiidaysteen? Waxay ka faa’iidaysteen lacagta laga helaayo  deeqbixiyeyaasha Addunka, laguna bixinaayo arrimaha Maareynta Maaliyadda Dawladda(PFM) kaas oo qaybtiis Kowaad imika dhamaad tahay; lana rajaynaayo in qaybtii labaad la bilaabo, qaybtani waxay ku wajahantahay 1. Xoojinta Qorshaynta iyo Diyaarinta Miisaaniyadda(Strengthening Planning & Budget Preparation). 2 Abaabulka Dakhliga  & Maamulka Cashuuraha(Revenue Mobilization & Tax Administration), markaas waxa la helay dheeli tir dhamays tiran dhinaca miisaaniyadda Dawladda; waxaa is dhamaystiray qaybtii dakhliga iyo qaybtii kharashka.

Miisaaniyadda Dawladu waxay u diyaarsan tahay qaabka kharash, isla markaan kuma jiro qayb keyd ah, waxa lagu saleeyey in dakhliga laga helo gudaha dalka; marwalba waxa lagu dadaal sidii loo heli laha ama loo dabooli laha kharashka sanad laha; Hishiiska Dekeda Berbera wuxu saamayn taban ku yeelanaya Ilaaha Dakhliga Somaliland, isla markaan wuxu kor u qaadaya shaqo abuurka iyo wada shaqaynta.

Haddaba si loogu helo xal waara oo joogto ah, xalkaasi wuxu ku jira in laga faa’iidaysto tiirka Dib U Habaynta Abaabulka Dakhliga & Maamulka Cashuuraha Dalka Jumhuuriyadda Soomaaliland; waxaana mood inu soo diiray intii laga helay fund-ka waddanka UK, gaar ahaan laanta u qaabilsan deeqaha ee loo yaqaano DFID; soona  siisay shirkadda Adam Smith International; markay samaysay daraasado badan oo ku saabsan arrimahan Dakhliga, waxay talo ku bixisay in seeska ka soo  bilowdo; isla markaan waxay soo celisay rajadi shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, khasatan Waaxaha Dakhliga sida Cashuuraha Berriga iyo Kastamiska oo ah halbawlaha dalku kula socdo; nasiib wanaag waxay hana qaaday wakhtigii Wasiirka imika xilka haya ee Samsam Cabdi Adan, una tafaxaydan sidii loo horumarin laha arrimaha; waxay ku dadaashay sidii Baarlamaanka loo hor gayn laha shuruucdi Dib u Habaynta Maaliyadda Qaranka; waxaana looga bahan yahay inay xooga saarto sidi loo hirgelin laha marka uu Baarlamaanku Ansixiyaan.

Adam smith, waa shirkad caana oo wadamadda adduunka kaga shaqaysay xirfadan iyo qaar kalaba, shaqaalaha waxay siisay xirfado kala duwan oo ku saabsan habka shaqadooda, qaab dhismeedka looga baahan yahay in la gaadho iyo hiigsi foo goo ku abuurmay shaqaalah idiidlo, isla markaana gacan  buuxda ka helaayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda lana daba taagnayd wixi tusaale iyo toosin ah.

Bankiga Adduunka ayaa bixinaaya afarta tiir ee kale ee  Dib u Habaynta Maaliyadda Qaranka, waxaana u jooga wakiil; waxa la iswaydiinaya  maxaa horumar laga sameeyey ilaa imika, waxaan maqlayey ilaa 2009-kii, uma malaynaayo in wax la taaban karo laga sameeyey arrimahaas, waayo Baanka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunkaba (IMF) waxay inugu amaani lahaayen, iyaga oo tixraacaya arrimaha maamul wanaaga iyo habsami u socodka iyo dib u habaynta  Maaliyadda; waxaan u soo jeedin laha Wasiir Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Adan inay samayso dib u habayn fiican oo kuna haboon ina Deeq bixiyayaasha adduunku kusoo dhiradaan Wadanka; waayo  marka aynu ka faaiidaysano arrimaha Dib u habaynta Maaliyadda waxay caalamka tusaysa in Dalka laga hirgeliyay habka maamul wanaaga maaliyada. Waxaa lagu soo dhiiranayaa wadanka, maalgashi ayaa la helay, shaqo abuur badan ayaa  imanaya iyo xidhiidhi caalamiya in lala yeesho Bangiga Adduunka iyo Hay’aada Lacagta Adduunka; in amaaho laga helo wadamadda Adduunka.

 

Waa Billahi Tawfiiq

 

Yuusuf Maxamed Xuseen