Agaasimihii Maamulka Madaxtooyadda hadana ah Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, ayaa saaka Xilkii Agaasimaha maamulka Shaqaalaha Madaxtooyadda ku wareejiyey Saacid Cabdi Ciise oo dhowaan loo soo magacaabay.
Waxaana xilkani lagula kala wareegay munaasibad ka qabsoontay guddaha Qasriga Madaxtooyadda oo ay goob joog ka ahaayeen Madax qaybeedyada waaxyaha kala duwan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis “Khadra X Gaydh” oo iyadu labadaa masuul u kala wareejisay xilka.
Agaasihii hore ee Maamulka Madaxtooyadda Xarbi oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn sharaxaad ka bixiyey waayihii iyo marxaladihii kala duwanaa muddadii uu joogay xilkaasi, sidoo kalena waxa uu soo bandhigay wax qabadkiisii, sidoo kalena waxaa uu u mahad celiyey Shaqaalaha kala duwan ee Madaxtooyadda ee sida fiican ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, sidoo kalena wuxuu masuulkani xilkii ku wareejiyey Agaasimaha cusub isagoo kula dardaarmay in uu waajibaadka xilkiisa u guto si sharciga waafaqsan.
Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyadda Saacid Cabdi Ciise oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay in uu aad ugu faraxsan yahay xilkan uu maanta la wareegaayo islamarkaana uu rajaynaayo in uu wanaag badan kala kulmo shaqaale weynaha madaxtooyadda iyo masuuliyiintaba, waxaana uu u mahad naqay maamulkii uga horeeyey xilkaasi sida wanaagsan ee ay uga soo shaqeeyeen.
Saacid ayaa ka dhawaajiyey in uu leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo maamul oo uu muddo badan kasoo shaqaynaayey sidoo kalena wuxuu balan qaaday in uu si daacadnimo leh u gudan doono shaqadaasi islamakraana uu shaqaalaha iyo maamulka kula shaqayn doono niyad wanaag.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Khadra Xaaji Gaydh oo ugu danbayntii madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xilku yahay qori isu dhiib qofkuna uu ka tago ama uu ka dhinto islamarkaana aanu ahayn wax lagu waarayo, Khadar Xaaji Gaydh waxay xustay dedaalkii iyo kartidii hore ee uu lahaa Maamulkii hore ee Shaqaalaha Madaxtooyaddu waxaanay uga mahad celisay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, sidoo kalena waxay xilkaasi cusub kusoo dhawaysay Agaasimaha cusub ee maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadda saacid oo ay carabowday in ay garab taagin yihiin lana shaqayn doonto.
Si kastaba ha ahaatee munaasibada xil wareejintan ayaa kusoo dhammaatay waji degan oo xasiloon waxaana halkaas si rasmiya xilkii ula wareegay Agaasimaha cusub ee maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadda Saacid Ciise.