Jaamacaddaha aan la galin karin caalamka uguna qaalisan (WQ: Cabdi Caawiye)

University of Cambridge
Kaalinta: 1aad

Waa Jaamacadda ugu adag ee lagu biiro, waxaa waajib ah in darajadaada imtixaanka ay tahay A. Kuliyad kaste oo ay jaamacaddu leedahay lagaama aqbali doono hadii aadan haysan darajada iyo shuruudda imtixaan ee lagaa rabo. Jaamacaddu waxaa ay soo saartay 90 qof oo dunida saamayn wayn ku lahaa kuwaasi oo mutaysay biladda Nopel Prize-ka loo yaqaano. Ma jirto jaamacad lamid ah oo soo saartay tiro aqoonyahanno ah intaasi le’eg oo helay bilado caalami ah. Codsadaha doonaya in uu ku biro Jaamacaddani waxaa laga filayaa in maro qiimayn, waraysiyo iyo imtixaanaadyo kala duwan kuwaasi oo lagu hubinayo in u qalmi karo kamid noqoshada bulshada Jaamacadda.

University of Oxford
Kaalinta: 2aad

Waa Jaamacadda ugu qadiimsan ee caalamka Ingiriiska looga hadlo, in lagu biiro Jaamacaddani qiimaha wayn waxaa ay ku xirantahay darajadaada imtixaan ay tahay A- iyo wixii ka sareeya. Ardayda ku soo biiraysaa Jaamacadda waxaa la marsiiyaa tijaabooyin isugu jira imtixaanaadyo iyo qiimayn dhanka garaadka iyo dabeecadda ah.

London School of Economics (LSE)
Kaalinta: 3aad

Waa Jaamacad bixisa takhasusaadka kala ah anthropology, criminology, international relations and sociology. Ku biirista Jaamacadda waxaa lagaa rabaa in aad haysato B+ iyo wixii ka sareeya. Waxaa Jaamacaddani soo saartay Malyuuneerada ugu badan ee UK.

Imperial College London
Kaalinta: 4aad

Imperial waxaa ay caan ku tahay tayo wanaag iyo sumacad. dhibco sare ayaa daruuri ah ku biirista Jaamacaddani (A*A*A*- AAB). Jaamacaddani waxaa ay bixisaa takhasusaadyo Practical ah gaar ahaan kuwa la xiriira Sayniska. Waaxdeeda cilmibaarista waxaa ay diiradda saartaa caafimaadka iyo fayadhowrka caafimaadka dunida, isbadalka cimilada, tamarta iyoTeknolojiyadda. Imperial waa Koleejka hela dakhliga ugu badan ee daraasadaha UK.

Durham University
Kaalinta: 5aad

Jaamacadda Durham waxaa ay ku shaqaysa Nidaam Fikradeed, taasoo macnaheedu yahay in ardayga uu helo kaliya aqbalka kuliyadda . In lagu biiro Jaamacadda waxaa lagama maarmaan u ah in aad haysato in ka badan 521. Culimo badan oo caan ka ah Ingiriiska iyo guud ahaan Yurub ayaa Jaamacaddani ka aflaxay.

University of St. Andrews
Kaalinta: 6aad
Waa jaamacadda ugu heerka saraysa Scottland, St. Andrews waa jaamacad aan la gali Karin hadii ay darajadaada imitxaan ay ka yartahay 516. St. Andrews waa Jaamacadda ugu qadiimsan Scotland, Waa jaamacad ugu shuruucda adag marka laga hadlaayo guud ahaan goobaha waxbarasho ee UK.

University College London
Kaalinta: 7aad

Ardayda codsanaysa in ay bartaan heerka koowaad ee Jaamacadda waxaa looga baahanyahay in ay haysaan dhibco u dhigma A*AA-AAB, Jaamacaddani waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay jaamacaddii ugu horeysay ee aqbasha arday kala midab ah, kala diin ah, kala dabaqad ah.

University of Bristol
Kaalinta: 8aad

Waa Jaamacadda ugu adag ee ee galbeedka dalka Ingriiska, dhibco ahaana waxaa ay aqbashaa wixii ka sareeya 486, Jaamacaddani waxaa aasaasay waaxda dhaqanka ee dalka Ingiriska, waxaa ayna jaamacaddani ilaa iyo markii la aasaasay ay soo saaraysay jilayaal iyo majaajilaystayaal dalkaasi laga wada jecelyahay.

University of Edinburgh
Kaalinta : 9aad

Waxaa ay ku taalaa caasimadda Scotland, inkastoo aysan kamid ahayn jaamacad ardayda ku soo biiri rabtaa ku xirta dhibco sare, hadana waxaa loo tixgaliyaa in ay tahay mid galitaankeedu adagyahay. Aqoonyahannada ay jaamacaddani soo saarta ayaa ah kuwo maamuus sare ku dhex leh guud ahaan Yurub.

University of Warwick
Kaaliinta: 10aad

Waa jaamacad sharaf iyo karaamo xoogan ay u hayaan culimada Sayniska iyo kuwo arimaha bulshada. Waxaana aad looga dambeeyaa kuliyadeeda xisaabta. Ardayda xisaabta ka soo barta Jaamacaddaasi ayaa ka tilmaaman kuwa kale. Inkastoo jaamacaddani muhiimadda koowaad ay siiso dhibcaha maadada xisaabta, hadana wali ma aha mid fudud in lagu biiro

 

Xigasho Daily  Mail