Kulankii San Diego ee Donald Trump waxa hadheeyeen rabshado

Taageerayaasha iyo mucaaradka musharaxa xisbiga jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu iska hor-imaad ku dhexmaray magaalada San Diego ee California. Dadweynaha San Diego, ayaa hal meelood 3 ka soo jeeda Laatiin Ameerik, iyadoo boqolaal kun ay maalin kasta si sharci ah uga soo gudbaan xadka Mexico.

Booliska magaalada ayaa sheegay in isu-soo-baxan lagu qabtay barxada hore ee hoolka badhtamaha magaaladu baal marsan yahay qaynuunka.

Dhacdan ayaa waxa uu boolisku u xidhay 35 qof, badi dadka ku mudaharaaday isu soo baxan ayaa waxay tuurayeen dhagxaan iyo quraaradaha biyaha laga cabo.

Turmp, ayaa ku sugnaa magaalada ku dhow xadka Mexico si uu u qabto isu soo bax ka hor 7-da June tartanka doorashada California. Wuxuu ballanqaaday in uu darbi ka dhisayo xuduudda si loo celiyo muhaajriinta.

Donald Trump ayaa waxay siyaasadii ku salaysan tahay nacaybka muhaajiriinta iyo Muslimiinta kaasi badanaa kala kulma gobollada ay muhaajiriintu ku badan yihiin mucaaridnimo xoogan.

bandhige@gmail.com