Horumarkii Hargeysa iyo hagarbixii aqoonyahanka “Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Hargeysa” (WQ: Mukhtaar Cilmi)

 

Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa aqoonnyahan Cali Xasan Cawaale oo ka mid ahaa aqoonyahanada dalka wax ku barty kaas oo ka baxay jamacada hargeysa kana diyaariyay cilmiga Maamulka iyo maaraynta ganacsiga(Business administration) waxaa uu ku suntan yahay taariikhda wax qabad ee dawlada hoose Hargeysa,tan iyo markii loo magacabay xoghayha fulinta ee dawlada hoose casimada Somaliland ee Hargeysa, waxaa uu malin walba hore u qadayaa horumar la majeerto taas oo wakhtiga yare ee uu yahay xoghayaha iyo waxqabadka baxadaa leh ay aad u kala badan yihiin taas oo ay si wada jira ugawada shaqeyeen hogaanka dawlada hoose ee hargeysa, bal aan soo qadano waxqabadka xoghayaha qaar ka mida kuwa la majeerto:

1 Dhismaha wadooyinka halbawlaha ah ee caasimada iyo qurxintooda

Horumarka dhinaca wadooyinka  ee uu xoghaye Cali Xasan Cawaale u qabsooomay waxaa ka mid ahaa dhisida wadooyin mihiima oo aan la dhisin muddo dheer kuwaas oo kor u qaaday bilicda caasimada somaliland ee hargeysa isla mar ahantana fududueyey wadooyinkii cidhiidhiga ahaa oo ay adkayd in dadka iyo gawadhiduba kala kulmi jireen dhibaatoyin badan bal aan so qadano wadooyinkaa qaar ka mida

  • Wadada daba marta dhakhtarka way ee hargeysa: wadadas oo ka mid ahayd wadooyinka halbawlaha u ah isku socodka gadidka caasimada oo ay hir galinteda leyihiin hogaanka dawlada hoose ee wakhti xaadirkan oo uu ka mid yahay xoghaye Cali Xasan Cawaale wadadas oo soo kordhisay qurux iyo bilic .
  • Dhisida dhamaan wadooyinka isku xidha wadooyinka waayayn ee caasimada kuwaas oo soo kordhiyey qurxin iyo inay fududeyaan wadooyinkii cidhidhiga aha kuwaas oo ay ka mid yihiin wada ka timada Hayada shaqaalaha kuna xidha wadada cusub ee dhakhtara daba marta, wadada ka timaada maxakamadaha kuna soo dhacda wadada wayn ee dhakhtarka hor marta, wadada hor marta madaxweyne ku xigeenki hore taas oo iyana isku xidha labada wado ee ugu wayn caasimada hareysa.
  • Dhisida wada ina naxar ee Dagmada 31 may oo iyana ka mida waxqabadka wadooyinka ee hogaanka dawalada hoose ee uu ka mid yahay xoghaye Cali Xasan Cawaale.

2 Dhismaha sariibadaha iyo xarumo dabdamis ee degmooyinka

Hogaanka dawlada hoose oo ka mid yahay Xoghaye Cali xasan cawaaale waxa u suurto gashay dhisida sariibado iyo xarumo cusub oo dabdabisku ku yelan donaan dagmooyinka caasimada madama oo ay baladhatay baxada caasimada waa in dagmo walba loo sameyo xarun u gaara oo ay ka hawl galaan ciidanka dabdamisku isla mar ahantanada laga helaa xarumo saribado oo laga helo adeega bulshada ee ay u bahantahay taas oo laga war hayo nadafadooda.

  1. 3. Kordhinta mushaharka shaqaalaha D.hoose

Xoghaye cali xasan cawaale waxaa uu suurto galiyey nidam lagu tayaynaayo shaqala waynaha Dawlada hoose ee hargeysa kaas oo kor loogu qaadayo heerkooda aqooneed iyo kordhinta  mushaharka shaqalaha ee dawlada hoose kaas oo uu gadhsiyey meel ay shaqalahu ma jiirtaan.

  1. Qurxinta iyo kor u qaadista bilicda caasimada

Casimadu waa halka laga dheehan karo horumarka dalka, dawlada hoose iyadoo taas ka dulaysa waxay hadh iyo habeenba ugu jirtaa qurxinta caasimada hargeysa haday tahay kor u qaadidada nadafada caasimada, dhisida wadooyin ka qayb qaata quruxda bilicda caasimada taas oo uu hormood ugu yahay xoghaye Cali xasan cawaale  oo mudadii yarayd ee uu ahaa xoghayaha Fulinta dawlada hoose uu kor u qaaday bilicda caasimada somaliland ee hargeysa.

5 Isku xidhka Dawlada hoose iyo Dawlada dhexe

Waxaa marara badan dhacda wada shaqayn la,aan soo kala dhex gashaa masuuliynta ugu saraysa dawlada hoose oo uu hormood u yahay mayarka iyo ku xigeenkisa halka dawlada dhexe uu u matalo xoghayaha  dawlada hoose taas oo ay soo kala dhex galo khilaaf maamul sidii dhicaday marar hore balse hada waxaad mooda in hogaanka dawlada hoose ay ka midaysan yihiin waxqabad dhaba oo ku tiirsan wada shaqayn hufan iyo in hawl walba si wada jir ah loo qabto si loo xaqiijiyo hadafyada iyo yoolka dawlada hoose ee casimada hargeysa

6 kor u qaadida dakhliga dawlada hoose

Xoghayaha dawlada oo garab ka helaya shaqaalawaynaha dawlada hoose hargeysa waxay kor u qaadeen dakhligii u so xaroon jiray dawalada hoose iyadoo aan la kordhin wax cashuura balse kaliya lagu dadalay in lasameyo isla xisaabtan dhaba oo ku salaysan hanaan shaqo oo ka reeban maamulo xumo dakhliga ku yimada ayaa surto galiyey in uu dakhligii maalin laha ahaa iyo kii bilaha ahaaba uu aad uga kordho intii uu awal ahaan jray.

Waxa qoray: Mukhtaar Cilmi