Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Musharax Ku-xigeenka Amb.Maxamed Xaaji Cali, Hoggaamiyaha Xisbiga, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubno kale oo ka mid ah Madaxda Xisbigga, ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyay Goboladda Saaxil Iyo Togdheer.
Wafdigga oo Hiirtii hore ee saaka kasoo jarmaaday Magaaladda Caasimadda ah ee Hargaysa,ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaamadda u dhexeey Berabera ilaa Sheekh,iyadda oo si aan kala hadhlayna ay dadweynaha reer BURCO kaga hor-yimaaddeen Degmadda Qoyta ee Duleedka Magaaladda Burco.
Dadka oo aad u tiro badnaa ayaa,sitay calanka Astaanta u ah Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,Calleemo- qoyan iyo Baabuur faro-badan oo ay ku xardheen calanka Xisbigga,isla-markaasna ay ka baxayaan Heeso ay ku muujinayeen Taageeradda Baaxadda leh ee ay u hayaan Xisbigga WADDANI.
Dadka shacabka ah oo gudoomiyaha la-hadlayay,ayaa muujiyay dhibaatadda ba’an ee ay ku qabaan Xisbigga KULMIYE,iyagga oo si gaar ah u tilmaamay sicir-bararka iyo qiimo-dhaca shilinka Somaliland,waxaanay sheegeen inay Nolashoodii halis ku jirto,isla-markaasna ay ka rajaynayaan Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga WADDANI in marka uu taladda waddanka ku guulaysto wuu u diir-nixi doono,isla-markaasna wuu wax ka qaban doono baahiyaha baaxadda leh ee la-deriska ah Nolashooda.
Ugu horayn waxa soo dhaweyntii Wafdigga Guddoomiyaha ee Degmadda Qoyta ka hadlay Guddoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI ee gobolka Togdheer, Xuseen Kaahin Xayd,waxaana uu sheegay inay reer Togdheer diyaar-u-yihiin inay hormuud ka noqdaan is-bedel la’mahadiyo oo dalkan ka dhaca.
Xog-hayaha Maamulka Goboladda iyo Degmooyinka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje),ayaa si weyn ugu mahad-celiyay dadweynaha reer Burco,waxaana uu eedo u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,kaas oo ku tilmaamay inuu isu-bedelay Gudoomiye Xisbi,halkii uu ka ahaa gudoomiye Gobol,waxaana uu dadweynaha reer Togdheer u sheegay inay samraan billaha kooban ee ka hadhay xukunka KULMIYE. ““ Waxaan Aad Uga Xumahay Saaxiibkay Ramaax Oo Maanta Guddoomiye Xisbi U Xuub-siibtay Oo Aad Tabaysaan Guddoomiye Gobol”. Ayuu yidhi Muj.Xamarje
Amb.Cali Cawaale oo ka mid ahaa Wafdigga,ayaa sheegay inay maanta maalin weyn u tahay reer Somaliland,waxaana uu sheegay in aanay guddi Karin abaalka reer Burco ay ku leeyihiin iyo soo dhaweynta macnaha balaadhan ku fadhidda ee ay u sammeeyeen.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Hogaaminaya Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI MD.Xirsi Cali Xaai Xasan,waxaana uu iftiimiyay ujeedka socdaalka wafdigan balaadhan,isaga si weyn ugu mahad-celiyay dadweynaha reer Burco; ““ Aad iyo aad baad u mahad-santihiin. Qalbigga ayaannu idinka sallaanay,sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen,noo qiimayseen,ilaa xalayto intii aannu safarka kusoo jirnay aan loo kala seexan.Halkan waxaanu u nimid in aannu ol-olihii Doorashadda isu diyaarino.Bishii ol-olaha waxa inaga xiga 29 habeen,maalintii Guushana 59 habeen baa inaga xiga Insha-allaahu tacaala.Waxaynu u baahanahay in aynu diyaar-garawno oo aynu wacdaro dhigno maalin dhaw” ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI
Musharax Cabdiraxmaan-cirro oo dadkaas soo dhaweynayay fagaareyaal ka duwan kala hadlay,ayaa uga mahad-celiyay Taageerayaasha Xisbigga WADDANI ee Deegamaddaasi soo dhaweynta dareen-taabadka leh ee ay ku qaabileen Wafdigga balaadhan ee uu hogaaminayo,waxa kale oo uu tilmaamay inay muhiim tahay inay dadweynuhu codkooda kaga aarsaddaan Xisbigga KULMIYE,isla-markaasna ay taageeraan Xisbigga Is-bedelka,Badbaadda iyo horumarka ee Waddani.
“ Annigga oo ku hadlaya magaca wafdiga,waxaan usoo jeedinayaa shacabka Gobolka Togdheer mahad-naq balaadhan sida Midnimadda ah,sida milgaha leh,sida xamaasadda leh ee kalkacaylka leh ee aad noo soo dhaweyseen aad baad u mahad-santihiin.Soo dhaweyntaydu,soo dhaweyn qudha may ahayn. Waxay ahayd Taariikh,waxay ahayd farriin.Is-bedel kasta oo Somaliland ka dhacay ilaa berigii Lixdankii ee gobonimo-doonka Ingiriiska Burco ayuu ka bilaamay.Maanta-na farriintaasi waxa weeyee,waxaad shacabka ugu Bushaarayseen inuu KULMIYE tagay”.Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan-cirro
Gudoomiyaha Xibigga WADDANI,ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga,ayaa markale ku celiyay ballan-qaad uu u sammeeyay Ciidamadda Qalabka sida ee Somaliland,kuwaas oo uu sheegay inay haatan ku shaqeeyaan xaaladdo nololeed oo aad u adag,isla-markaasna ay Xisbiggiisa ka go’antahay in Mushaharaadka loo kordhiyo 250%,una dhisaan Guryo,waxa kale oo uu intaas raaciyay inay aas-aasi doonaan Xafiiska xaqsiinta Ciidamadda kala duwan ee Somaliland.
bandhige@gmail.com