Sanad iyo matni
Eray bixinta xadiiska kolka la baranayo ugu horrayn waxa muhiim ah in qofku kala yaqaan Sanad iyo Matni oo bud’dhig u ah eray bixinta xadiiska. Sanad luuqadda carabiga waxa uu ku noqonayaa shayga lagu tiirsado ee la cuskado, musdalax ahaanna waa ragga isku taxan ee warinta xadiiska isku sii dhiidhiibaya. Tusaale ahaan saxaabigaasaa Rasuulka ka maqlay, deeto hebel buu u sheegay, hebelna hebel buu u sii sheegay. Silsiladdaa isku taxan ayaa la yidhaa sanad.
Matniga luuqadda carabiga waxa la yidhaa dhulka xaggiisa sare ee adag, musdalax ahaanna waa hadalka la warinayo oo ka warinaya ilaa Rasuulka NNKH laga gaadhayo.
Haddii aan intaa kaba soo ururiyo sanad waxa la yidhaa ragga warka sida, xagga matniguna noqonayo warka la sido ee Rasuulka NNKH laga warinayo.
Musnad luuqadda carabiga waxa la yidhaa qof, qof kale hadal u aaneeya ama u tiiriya, musdalax ahaanna waa dhiganayaasha axaadiista lagu ururiyo, xadiiska sanad ahaan xidhiidhsanna musnad baa la yidha.
Musnid waxa la yidhaa qofka xadiiska warinaya, qofkaasi aqoonta xadiiska ee musdalaxa ha yaqaanno ama ha wariyo uune, waxa isna la yidhaa musnid.
Muxaddis waxa la yidhaa qofka isku hawla ee wakhti galiya warinta xadiiska iyo aqoonta ragga wariya axaadiista.
Xaafid waxa la yidhaa qofka ka darajo sarreeya muxaddiska. Xaakim isna waxa lagu sheega in uu ka sii darajo sarreeyo xaafidka.
Mutawaatirku luuqad ahaan waa waxa xidhiidhsan, musdalax ahaanna waa xadiiska jaranjaro kasta koox badani warinayso. Jaranjaro waxa looga jeeda warintii la odhan jiray waxa wariyey hebel, hebel baana ka sii wariyey, taa oo la leeyahay kooxdaasa warisay kooxda kalena way ka sii warisay. Sababta mutawaatir loo yidhina waa suragal in aanay ahayn in kooxahaa kala jaadka ahi in aanay been ku heshiinayn.
Shuruudda Mutawaatirka?
- Shuruuddisu waa in koox badani warisaa
- Jaranjaro kastana koox ku ahaata warinta
Xukunka Mutawaatirka?
- Waa saxeex
Muxuu u qaybsamaa Mutawaatirku?
- Lafdi: ereyada lagu warinayo xadiiska
- Macnawi: ujeedka xadiiska
Lafdi iyo macnawi waa ereyada laga warinayo Rasuulka NNKH iyo ujeedka ereyadaasi xambaarsan yihiin. Mar baa jiraysa ereyadu kala jaad yihiin se ujeedku mid yahay.
Mar way is waafaqaan lafdiga iyo macnuhu, tusaale ahaan xadiiska Rasuulku NNKH u leeyahay, “Qofka igu been abuurta aniga si u kas ah ha isku diyaariyo meeshu naarta ka gali lahaa.” Xadiiskaa laftigaa uu ku yimi waxa ku wariyey dhowr iyo toddobaatan wariye
Marna lafdigaa kala jaad ah se ujeedku waa mid, tusaale ahaan kolka la xidhanayo salaadda ee gacmaha kor loo qaadayo dhowr lafdi baa jira oo siyaalo kala jaad ah u wariya, se ka midaysan in Rasuulku NNKH gacmaha kor u qaadi jiray, se xaggu gaadhsiin jiray unbay laftiyadaasi ku kala duwan yihiin.
Axaadiista mutawaatirku aad bay u yar yihiin oo gebigooduba waa laba boqol oo xadiis in ay yihiin baa lagu sheega.
La soco qaybta saddexaad……Talo iyo tusaalaba waa xaggiina
Hoos ka akhriso qaybta koowaad
Eray bixinta xadiiska “musdalaxul xadiis” Q.1aad
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Bogga Faysbuugga: Cabdirisaaq Rakuub
Email: rakuub2020@gmail.com
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com