Xukuumadda Israa’iil ayaa weli la anfariirsan u-qaadan-waagii ka soo gaadhay qaraar ay Qaramada Midoobay Khamiistii ansixiyeen kaas oo la hor keenay Golaha Ammaanka isla markaana dhigayey in deegaamaynta Yuhuudda ee Daanta Galbeed ee Falastiiniyiintu ay sharci-darro tahay.
Sidoo kale qaraarku wuu cambaareeyey deegaamaynta halkaas ka socota wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Israa’iil in ay faraha ka qaaddo.
Ugu dambayn qaraarku wuxu tibaaxay in deegagamaynta Yuhuuddu ay halis ku tahay xalka nabadda ee ku salaysan in Falastiin iyo Israa’iil ay noqdaan labada dal oo jaar ah.
14 dal ayaa qaraarka gacanta u taagay halka ay xukuumadda Maraykanku ka aamustay iyadoo aanay jirin waddan kali ah oo ka soo hor jeedsaday qaraarkan.
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa u soo jeediyey in Barack Obama Maraykanku qaraarka saaro codka qayaxan ee veto-ga, laakiin dheg jalaq looma siin.
Ra’iisal-Wasaare Netenyahu sababta uu safiirrada waddamadaa ugu yeeshay sida muuqata waa in uu cabasho muujiyo isla markaana ugu hanjabo in Israa’iil ay dhinaceega xidhiidhka ka xumaatay. Qaarkoodna waxa laga yaabaa in uu ugu hanjabo in uu xidhiidhka u jarayo.
Waa markii koowaad ee qaraar noocan ah oo ka dhan ah Israa’iil Golaha Ammaanku ansixiyaan muddo 37 ah. Sannadkii 1979 ayaa ugu dambaysay qaraar Israa’iil ka dhan ah oo Golahan awoodda badan dhaafa.
Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu ayaa ku eedeeyey maamulka Madaxweyne Obama in uu qaraarka ka dambeeyey isla markaana ku dhiirigeliyey xubnaha kale ee Golaha Ammaanka in ay meel mariyaan.
Netenyahu wuxu ku hanjabay in uu jarayo xidhiidhka dhinaca bulshada ee uu la leeyahay Falastiiniyiinta laakiin uu sii wadayo xidhiidhka dhinaca amniga ee u dhaxeeya labada dhinac.
Israa’iil waxay ka baqaysaa in qaraarkani hor seedi karo in Falastiin ay ka soo dacweyso Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo loo yaqaan ICC. Sidoo kale waxay ka qabaysaa qalabyada lagu dhiso iyo agabka ay Israa’iil u isticmaasho deegaamayntaas in dunida qaarkeed ka iibin waayeen maadaama hadda dhismeyaashaasi ay sharci-darro yihiin marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Intii uu Barack Obama madaxweynaha ka ahaa Israa’iil waxa soo gaadhay guul-darooyin door ah oo dhinaca diblomaasiyadda ah. Waxa ka loo qaaday meeqaamka ay Falastiiniyiintu ku leeyihiin Qaramada Midoobay, sidoo kale hay’adda UNESCO ayaa xubin buuxa u aqoosatay Falastiin, waddamo door ah oo Yurub ah ayaa sidoo kale baarlamaankoodu aqoonsadeen Falastiin.
Guulahaas diblomaasiga ah wuxu Netenyahu u aanaynayaa Madaxweyne Obama, waxaana muddo dheer jiray khilaaf adag oo u dhaxeeya isaga iyo Obama.
Hoos ka eeg liiska 14-ka dal ee ka codeeyey Israa’iil 14-kii December:
- China
- France
- Russia
- United Kingdom
- Angola
- Egypt
- Japan
- Malaysia
- New Zealand
- Senegal
- Spain
- Ukraine
- Uruguay
- Venezuela
Waxa ka aamusay Maraykanka.
Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka
Bandhige News
Bandhige@gmail.com