Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, diyaarad ay leeyihiin ciidanka Ruushku oo siday 92 ciidan oo ay 8 ka mid ahi yihiin shaqaalihii diyaarada ayaa la waayey iyadoo maraysa badda Madow in kadib markii ay shidaal ka qaadatay garoonka diyaaradaha Adler ee magaaladda Sochi.
Waxaa la helay burburkii diyaaradda iyo meydka hal qof, Ma jirto cid ka badbaaday shilkan oo al helay.
Inta badan rakaabkii dayuuradda saarnaa ay waxay ahaayeen xubno ka tirsan ciidanka Ruushka oo u socday saldhiga ciidanka Ruushku ku leeyahay guddaha Suuriya oo ay kaga qayb gali lahaayeen dabaalka ciidda Kirismaska.
Wasaaradda difaaca waxay sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Tu-154 ay siday 64 qof oo ka mid ah kooxda ugu sarreysa Muustikada ee ciidammadda Ruushka ee lagu magacaabo Alexandrov iyo sagaal wariye.