Raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu sheegay in uu ku amray wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil in ay qiimeyn ku saabsan soo afjaridda xidhiidhkooda Qaramada Midoobeey ay la wadaagaan.
Waxaa ka mid ah qeybaha ay qiimeynta ku sameynayaan dhaqaalaha ay Israa’iil siiso Qaramada Midoobay iyo joogitaanka wakiillada Qaramada Midoobay ee Israa’iil.
Raysal-wasaaruhu Israa’iil wuxuu hadalkaasi sheegay maalin kadib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey uu meel mariyay qaraar ka dhan ah guryaha laga dhisayo dhulka Falastiin.
Xidhiidhka Qaramada Midoobay Israa’iil ayaa ah mid sii xumaanaya, waxa sidoo kalena aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump oo isaga bartiiisa Twitter-ka ku soo qoray markii Qaramada Midoobay meel marisay qaraarkaa ka dhanka ahaa guryeynta Israa’iil ee dhulka Falastiin, in ay sidaas Qaramada Midoobay isku bedeshay wax walba isbadali doonaan wixii ka dambeeya marka uu xilka la wareegto 20-ka bisha koowaad ee sannadkan inagu soo fooda leh.