Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi โCirroโ ayaa waxa uu maanta iska difaacay eedaymo uu baahiyey jaraaโidka STAR la yidhaah oo ka soo baxa waddanka Kiiniya, kaasi oo sheegay in xisbiga Waddani dabada ka riixayo midowga Soomaali weyn oo ay Somaliland la midoobi doonta sannadka dambe kadib marka ay doorashooyinka ka soo baxaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Jaraaโidkan ayaa waxa uu qoray in shir ay wada-galeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo lagu gorfeeyey arrinta midowga.
Balse Guddoomiyaha Waddani ayaa waxa uu beeniyey mar uu la hadlayey taageerayaal ku soo biiray xisbigiisa in ay gabi ahaanba wax shir ah wada yeeshen Raysal-wasaaraha Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: