IGAD Waa Urur Noocee Ah? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waa urur goboleed (The intergovernmental Authority on Development). Bilowgii waxa magaciisa la odhan jiray IGADD, hasayeeshee sannadkii 1996-kii ayaa loo beddelay IGAD. Waxa lagu aasaasay Jabuuti sannadkii 1986-kii, waxaana ku bahoobay dalalka Jabuuti,  Kiiniya, Itoobiya, Suudaan, Soomaaliya iyo  Yugaandha. Magacaa hore ee IGADD waxa loo soo gaabiyey (Intergovernmental Authority on Drought and Developmenta). Laakii markii dambe waxa laga dhigay IGAD, waxaana la beddelay ujeeddadii iyo magacii loo aasaasay.

Markii hore waxa ay IGAD iska kaashan jirtay abaaraha iyo nabaad-guurka, laakiin waxa laga dhigay inay iska kaashadaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sannadkii 2011 waxa ku soo biiray dalalka Eratariya iyo Koofnurta Suudaan. Ururka Jaamacadda Carabta waxa ay iska shabbahaan khilaafka, midow la’aanta iyo waxtar la’aanta. Iska daa inay iyagu danahood u midoobaane, dhexdood ayaan kala ammaan helin. Eratariya iyo Jabuuti geesaha ayey iskula jiraan, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan madaxa ayey isku jiraan, Yugaandha iyo Kiiniya waa isku jiq.

Tixraac: The Battle of Muqdishu Failed New World Order…….Mohamed Abdi Elmi..2022.