Khudbaddii Jimcaha iyo Sheekhii Heshiiskii Itoobiya iyo Soomaalilaan sida cad uga horyimid W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sheekh Maxamed Aadan Faarax oo khudbadda Jimcaha ka jeediya masaajidka Al-Aqsa oo ilaa 50 tallaabo dhinaca waqooyi ka xiga Isgowyska xaafadda Xero Awr, ayaa maanta si aan gabasho lahayn u cambaareeyey heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Soomaalilaan iyo Itoobiya. Masaajidka waxa ku xooggan urur-diimeedka Ictisaam, shakina kuma jiro inuu wadaadadku farriin Muqdisho looga soo dhiibay uu gudbinayey. Dhawrkan qoddob ayaan ka xusayaa wixii uu ku hadlay:

= wuxuu shaki geliyey heshiiskii ay labada dal gaadheen. Wuxuu sheegay inay dawladaha Carabtu halis geli karaan markuu heshiisku dhaqangalo.

= wuxuu ammaanay inay socoto dublamaasiyad heer sare ah oo heshiiska weli hortaagan. Wuxuu u jeedaa Soomaaliya ayaa weli hortaaga.

= dadka reer Soomaalilaan ee heshiiska soo dhaweeyey ayuu ku tilmaamay kuwa jibo qaaday. Aqoonsiga ay Itoobiya Soomaalilaan siinayso ayuu ku sheegay mid aan waxba soo kordhinayn.

= 20 KM ee ciidanka badda laga kiraynayo ayuu yidhi ilaa xuduuda weeyi. Caddeyna muu keenin.

= heshiiska ayaa gudaha Itoobiya burbur ku keeni doonta ayuu sheegay. Itoobiya waa walaaleheen ayuu xaaraan ku tilmaamay, halka uu Soomaaliya waa walaaleheen uu sheegay. Halkaasi markuu hadalka marinayo, ayuu masaajidku guux bilaabay iyo in la diidan yahay. Markaasuu khaakhaayiray oo uu yidhi waxaan ku hadlayaa waa ra’yigayga. Oday i ag-fadhiyey ayaa si cadho leh ugu yidhi ” ra’yigaaga makhaayadaha la tag oo masaajidka kala bax.”

Oday Aw Gaas la odhan jiray oo reer Berbera ahaa ayaa la yaabay fudayda iyo waallida Ina Cabdalle Xasan wakhtiyadii uu joogay Berbera. Markaasuu yidhi” Haddii aan hadda wax laga qaban meel dheer baa laga eegi.” Sidaasi oo kale haddii aan urur-diimeedka Ictisaam waxba laga qaban meel dheer baa laga raadin.