Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jsl Ayaa Magaaladda Berbera Kusoo Bandhigtay Qorshe Hawleedka Wasaaradda ee Sanadka 2024 ay wasaaraddu ku shaqayn doonto 

Munaasibadan oo Lagu Qabtay Magaaladda Berbera Ayaa waxa Kasoo Qayb Galay Madaxa Gobolka oo uu ugu horeeyo badhsaabka gobolka gudoomiye ku xigeenka degmadda berbera, maareeye ku xigeenka dekedda, gudoomiyaha culuumta jaamacadda badda berbera taliye qaybeedyadda gobolka ee Ciidamadda ilaaladda xeebaha iyo booliska iyo marti sharaf kale

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga mudane meecaad Cabdilahi Diiriye oo kalmada soo dhawaynta munaasibadda ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda kulankani u leeyahay wasaaradda

sidoo kale waxa madasha ka hadlay madaxda kala duwan ee kasoo qayb gashay iyagoo ku dheeraaday shaqadda wasaaraddu qaranka u hayso

Wasiirka wasaraaradda kaluumaysiga iyo horumaronta xeebaha mudane raabi cabdi maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday faahfaahinta qorshaha wasaaradu soo bandhigayso kulanka ayaa wali socda iyadoo la taliyayaasha wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxuhu soo bandhigayaan qorshaha sanadka ee wasaaradda

 

Xigasho:Somaliland News Agency

Bandhige@gmail.com