Fadhiidnimada Ururka Jaamacadda Carabta W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ururkan waxa la aasaasay sannadkii 1944-kii, waxaana lagaga dhawaaqay magaaladda dalka Masar ee Alesksandariya. Afar dal oo Carbeed ayaa bilowgii hore ku midoobay, kuwaasi oo kala ah: Masar, Ciraaq, Urdun, Lubnaan iyo Suuriya. Dhawr qoddob ayuu u taaggan yahay ururku: Is-kaashiga haddii dal Carbeed la soo weeraro, is-kaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, in aan dawlad Israa’iil laga dhisin dalka Falastiin, adkeynta xidhiidhka dalalka Carbeed iyo ilaalinta arrimaha gudaha ee dal kasta.  Sannadkii 1945-kii waxa ku soo biiray dalalka Sucuudiga iyo Yeman.

Ururku wuxuu leeyahay xoghayhe guud iyo gole maamul oo qaabilsan hawlaha maalinlaha ah. Ururku wuxuu ku caan ku yahay, khilaaf, midnimo la’aan, waxqabad xumo, amar ku taagleyn iyo gacan hadal. Wakhtiyadii dagaalkii qaboobaa waxa ay la kala safteen  Midowgii Soofiyadka iyo reer Galbeedka. Iska daa inay cid kale wax taraane, iyaga laftdoodii ayaa iska horyimad, oo  waxa markiiba iska horyimid dalalka Boqortooyada ku dhisnaa iyo kuwaa kale. Dagaalkii Yeman dhexdeeda ee 1962, waxa ay la kala safteen kooxihii is-hayey, oo Sucuudiga iyo Urdun waxa ay raaceen boqorkii xukunka laga tuuray.

Ciraaq iyo Masar ayaa maryo dhiig leh kala furtay oo Xisbi Bacaska ayaa xuddun u ahaa khilaafkooda. Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977, Liibiya iyo Koofnurta Yeman waxa ay safteen Itoobiya, halka Sucuudiga, Masar iyo Suuriya ay la safteen Soomaaliya. Dagaalkii Maraykanku ku qaaday dalka Ciraaq dhammaan dalalka Carabtu waxa ay la socdeen Maraykanka, oo weliba kharashka dagaalka iyaga ayaa bixinaayey. Xilligii Soomaaliya ay galeen ciidankii UNISOM ee Maraykanku horkacayey dhammaan Carabtu waxa ay safteen Maraykanka, marka laga reebo Marooko  mar dambe diiday. Markii ay isla keeni waayeen, ayey dalalka Khaliijku samaysteen ururka is-kaashiga Khaliijka, kaasina wuxuu maray kii Jaamacadda Carabta oo waa kuwii Sucuudiga iyo xulufadiisu cunaqabateynta saareen Qadar.

Tixraac: The Battle of Muqdishu Failed New World Order…….Mohamed Abdi Elmi..2022.