“Somaliland Waxa ay Dawlad Gaar ah oo Aqoonsi Raadinaysa ahayd Muddo ka Badan Intii ay ka Tirsanayd Soomaaliya” ..  Matt Bryden 

Hargeysa(Dawan)-Matt Bryden oo ah la taliye istaraatajiyada u qaabilsan Xarunta Sahan ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanayd 33kii sannadood ee la soo dhaafay oo ay dalkeeda xasilisay isla markaana aanay Soomaaliya wax shaqo ah ku lahayn muddadaas dheer.

Matt Bryden, wuxuu sidaas ka sheegay barnaamijka “Inside Story” ee ka baxa telefishanka Al-jazeera qaybtiisa Ingiriisiga, waxaanu caddeeyay in muddada ay Somaliland dawladnimadeeda gaarka u maamulanaysay ay ka badan tahay muddadii ay ka mid ahayd Soomaaliya.

“Somaliland inkasta oo aan la aqoonsan, hase ahaatee waxay ahayd dawlad gaar u taagan ilaa 1993kii oo ah 33 sannadood, taasi oo ka badanba intii ay Soomaaliya ka mid ahayd. Somaliland muddo dheer waxa ay ku doodaysay inay u qalanto in la aqoonsado,”ayuu yidhi Mr. Bryden.

Waxa kaloo uu sheegay in Soomaaliya toddoba sanno ka hor aanay ka qaylin heshiiskii casriyaynta dekedda Berbera oo ay Itoobiya ka heshay saami ku dhow Boqolkiiba Labaatan, waxaanu isweydiiyay sababta xiligan ay Soomaaliya uga sastay heshiiska isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Mr. Bryden wuxuu caddeeyay in saldhiga badda ee ay Somaliland ka kiraysay Itoobiya uu la mid yahay kuwa dalalka la jaarka ah, isla markaana uu waafaqsan yahay nidaamka caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya aanay xukumin xeebaheeda iyo dalkeeda oo ay tahay nidaamkeeda dawladeed mid nugul, halka Somaliland ay ka jirtay muddo dheer xasilooni iyo dawladnimo gaar ah oo aanay shaqo ku lahayn Soomaaliya, waxaanu iftiimiyay in shacabka Somaliland aanay doonayn inay ka mid noqdaan Soomaaliya.

Matt Bryden oo la weydiiyay in ay jirto in dalka Imaaraadka Carabta ee maalgelinaya dekedda Berbera uu kaalin ku yeellan karo heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu yidhi “Uma malaynayo in Imaaraadka Carabtu door ku leeyahay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya. Imaaraadku waxa ay xukumaan dekedda Berbera, Itoobiyana waxa ay saldhiga millatari ka doonaysaa bogcad galbeed ka xigta magaalada Berbera oo ka madax-bannaan heshiiska Somaliland kula jirto Imaaraadka ee ku wajahan dhinaca dekedda.”

 

Qore: Cumar Maxamed Faarax

Bandhige@gmail.com