Ila Tali Q.1aad (WQ: Ina Siciid)

Warqaddan ayaa shalay 14 Octobar 2017 naga soo gaadhay qof ka mid ah akhristeyaasha Bandhige. Waxayna u dhignayd sidan:

Salaamu calaykum dhammaan akhristayaasha Bandhige meel kasa aad joogaan.  Salaan kadib waxa warqadan in aan so qoro igu kaliftay arrin adag oo ila so daristay una baahan in aan go’aan ka qaato.

Waxaan ahay hooyo leh 2 caruur ah. Waxaan dhashay 1981kii. Carruurtayda aabohood waxan kala tagnay muddo 3 sanno kahor ah. Wuxuu xaq ii siiyay hanti aniga iyo iyo carruurtaydaba nagu filan. Sidaa daraadeed, dhibtii aan ka soo maray guurkii hore darteed kumaan fikirayn in aan mar kale guursado. Waxan rabay in aan carruurtayda iska korsado.

Haddaba sannadkan 2017ka horrantiisii waxa jaar ila soo noqotay gabadh aan saaxiibo ahayn yaraantii  oo aan Itoobiya ku soo wada kornay. Iyada Ilaahay awlaad ma siin laakiin waa qof aad u faraxsan oo aan la moodinba in ay wax ka maqan yihiin.  Saaxiibaday waa gabadh aad u caawino badan oo aan ku reeyey intii ay ila soo daristay. Haddii ilmo iga xanuunsado way i caawisaa, haddii aan adeeg u baahdo way ii soo qabataa. Runtii waxaanu noqonay sidii laba qof oo walaalo ah. Iyada iska daaye, xataa xaajigeeda ayaa wax kasta oo aan u baahdo ila qabta. Wuxuu iigu adeegaa si la mid ah sida uu xaaskiisa ugu khidmeeyo.

Habeen habeennada ka mid ah ayaanu aniga iyo saaxiibadday aroos isku raacnay. Waxa na qaaday xaajigeeda. Markii arooskii aanu ka soo baxnay ayay saaxiibadday ku raagtay barxaddii hudheelka, aniguna waxan soo fuulay kursiga dambe ee gaadhiga oo ahaa bas Nooha ah. Kadibna sheeko ayuu igu bilaabay. Waxa uu igu yidhi maxaad iiga aqbali wayday Facebook. Qofka ku soo codsaday ee ku soo gala magaca la yidhaa King Hebel wa aniga! Muraad yar baan kuu lahaa ee igu darso aynu halkaa ka wada sheekaysano ayuu yidhi. “Farriin hordhac ahna waan kuu soo diray” ayuu ii raaciyey.

Waan naxay hadalna wuu iga so bixi waayay! Anigoo oo hadalkaygu googo’ayo ayaan idhi ma aniga! Wuxu iigu jawaabay haa adiga! Anigoo yaabban, walina aanu ii sheegin wixii uu iiga baahnaa ayaa saaxibadday soo fuushay gaadhiga. Waxayna igu tidhi “Waa sidee caawa si baad u yoolyoolsan tahay. Axmedna kama qaloonaysid oo si fiican baad isku taqaanaane haddana yara si si baad tahaye waa sidee?

Maskaxdaydu wali hadalkii Axmed bay ku maqnayd. Sidaa daraadeed waxan idhi “Maya walaalo. Wax dhibaato ahi ma jiraane, anigaa yara baxsanaa maskaxdaydu meel kale ku maqnayde!

Isla markii aan guriga tagay waxaan markiiba furay Facebook-ga, waxaanan arkay codsigii Axmed King. Waanan aqbalay in uu friend ila noqdo. Show farriintii uu sheegayey waabay ku jirtaa. Wuxu yidhi “Nimcooy …….”

La soco qaybta dambe.

Bandhige@gmail.com