Illaalinta Imtixaanka Shahaadiga ah!

 

Illaalinta Imtixaanku waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu Feejignaanta badan uguna halista badan meelo badan Maanta.Waa Shaqo Qabashadeeda aan Macallimiinta loo dirro ama dadka qabta looga mahadnaqin meelo badan,ilaa haddana dad badan u heystaan hawl fuddud.Inkasta oo sannadka oo dhan illaalinta imtixaanaadka waxbarasho si joogto ah uga socdaan dalka sida waxbarashadda dugsiyada iyo midda jaamacaddahaba,haddana sida looga hadlo wakhtiga imtixaanaadka shahaadiga dugsiyada sarre/hoose/dhexe wey ka weji duwan tahay mararkaasi kale oo dhan.Imtixaanka Dugsiyadda sarre waxa ugu weyn ee imtixaanka ka dib la diyaarriyaa waa xubnaha iyo bahda illaalada imtixaanadu inta ay socdaan.

Door intee leeg Ayuu illaaliyuhu Imtixaanka ka qaata

ugu horreyn ardeygu wuxuu imtixaanka soo gallaa isaga oo waxa qudha ee uu ka fekirayaa ay tahay cidda illaalin doonta iyo horjoogsiga ama kormeerihiisu qofka uu noqon doono,wuxuu soo gallayaa fasalka isaga oo iska caanbin xooggan wadda oo in badan maanka ku haya illaaliyihiisa in ka badan imtixaankiisa,Ardeygu wuxuu fasalka u heystaa Jeel loogu soo xidhey illaaliyuhuna Askari ka yahay oo lagu dhex handdadaayo,halka illaaliyayaal badannina ay dhankooda diyaargarrow khaldan soo gallaan ah ardeyda culeys iyo cabsi tus si aan shaqada lagaaga khalkhalin,arrintasina waa midda sababta in marar badan dagaal iyo arbushaadi ka dhex qaraxdo ardeyda fasalka iyo illaaliyahooda,iyada oo ardeyda intooda badani ay nafsiyan rumeysan yihiin in fasalku yahay wakhtiga imtixaanka jeel ayna tahay in jeelka albaabka looga furo illaaliyuhuna caawiye u noqdo.Ardeygu ha ogaado keliya in uu fasalka imtixaanka u yimi in uu shaqo ka qabto maaddo uu sannado badan akhrinaayey oo maanta hortaalla,waana in uu keliya taasi ku mashquula,Ilaaliyuhuna waa in uu u arkaa qof u dhaxeeya iyaga iyo maamulkii soo dirsadey oo xoggta u qaadaya keliya ee aanney werwer ka qaadin eegmadiisa badan iyo soo hor joogsigiisa.

Deegaanka Fasalka Imtixaanka

Hoolka imtixaanku waa in uu yahay mid daaqaddo ku filan leh,neecow qabow leh,marawaxado u baxeyso,sanqadha qudha ee la oggol yahayna tahay warqaddaha imtixaanka ee ardeydku kolba dhan u roganayaan,jabaqda qalinka warqadda qoraya iyo masaaxaada iskiisada.deganaantase waxa ay u badan tahay in aanu ardeygu dareemeyn maxaa yeellay labada saacaddood ee aanu xorta aheyn ayaa wax kasta kaga adag,Illaaliyayaasha aan labadaasi sacaaddood dhana uga jeedsaneyn,ishana ku haya ayaa ku adag,kuwa dhinac kasta u socda hore/Dib kuna dul sheekeysanaya ,dhegtana wax isugu sheggaaya ,kuwa caajisan ee illaalinaaya ee meel uun u soo fadhiya ayaa walbahaar ku haya.

Markaad tahay illaaliye Imtixaan Shahaadi ah!

Ilaalintu waa mid ka mid ah Shaqada iyo waajibaadka Macallinka,waana wax Qeyb ka ah hawl-maalmeedkiisa xirfaddeed,iyada oo taasi jirto haddana waa in uu si gaar ah u hello waayo aragnimo iyo tababar dhanka habka illaalinta wanaagsan ee ardeyda wakhtiga imtixanaadka shahaadiga ah. inta aan ku jirno fasalka iyo hoolka imtixaanaadka waxa waajib ah in ardeydii ka badan 40 laba qof ay illaaliyaan,iyada oo isha ku hayn doonnaan,kuwaasi oo ah illaaliyayaal aad u firifircoon.inta imtixaanku socdana ka soo baxaya waajibkooda sida xaadiriska,tirinta,u addeegida ardeyda,iyo buux buuxinta diiwaanada loo keeno,isla markaasina oggeysiinaaya hadba halka wakhtigu maraayo.
illaaliyaha imtixaanaadka waxa waajib ka saaran yahay in aanu marna oggolaan in ardeygu imtixaan ku dhex qisho fasalka guddihiisa inta imtixaaanadku socdaan,waana in uu sabbabaa jawi hawl gudasho ardeyga u saamaxa in uu imtixaankiisa uga baxo si nabdoon oo aan qish laheyn.Waa in ayna fasalka ku dhex sheekeysan iyaga oo illaada ku jira,isku mashquulin haddii ay laba yihiin,waana in ay tilifoonkooda gacanta xidhaan,fasalkana aaney dibadda uga bixin.

xashaashaqa iyo luqada gacamaha ee ardeydu isku isticmaaleyso ama fahmaan, waa in illaaliyuhu garan karaan,waana in ardeyda dagaalka u abaabulan iyo kuwa qishka sugaya amma u soo diyaar garoobey uu si gaar ah ugu fiirsada,si aaney u khalkhalin jawiga good ee hoolka.macallimiintu marbey ahaayeen ardey,kuwaasi oo sidan oo kale imtixaan u soo marey,maantase iyaga ardeyda imtixaan adag dul dhigeya kuna illaalinaya.taasi waa in ay markaasi keenta naxariis iyo dabacsanaan dadnimo u dhaxeysa ardeyga iyo macallinkiisa illaalinaaya.

Waa in aan in aan fasalka ka baxnaa marka ardeydu ka wada dhammaadaan,dib u tirina warqaddiihii imitixaanaadka iyo kuwii jawaabaha si aan ugu gudbino qofka qaabilsan ama xafiiska lagu xareynaayo imtixaanka.Marka wakhtigu dhammaado waa in aan ardeyda ka uruurrinaa una sheegna in miridhaddii ugu danbeeyey lagu jiro. waa in illaaliyaha imtixaanku muujiya dabacsannaan iyo naxariis sharciga waafaqsan si looga baaqsado dagaal iyo isku dhac.

Macallinku waa mid Maalin kasta wakhtiyo kala duwan ardey horjooga kala dabeecado iyo dhaqan duwan,haddaba wakhtiga imtixaanaadkana kuwii ayuunbaad is wajaheysaan ama kuwo meelo kale wax loogu soo dhiggey ayaad ka hortageysa.waana in ardeyda imtixaanka loo soo dhiso,sida akhlaaqad imtixanka,ixtiraamka illaaliyahooda, si ardeygeenu ugu korro in uu wajaho imtixaano heer caalami ah oo adeyg iyo ilaalo culusba leh,waana in uu oggaada in ardey dalkiisa ah oo meel kale ka timi ay ku galayaan dugsigooda halka iyaguna ay tagi karaan meel kale.

Ugu Danbeyntii illaalintu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu hadal heynta badan wakhtiyadda inta waxbarashaddu socoto somaliland,macallinkeenuna waa in uu oggaado in ardeygeena waxa laga imtixaanaya uu yahay wixii aad barrayaashu u soo dhigteen ee ee ay sooo fahansiiyeen.in ay baasaan ayaan ardeyda u rajeyneynaa,illaaliyahana shaqo gudasho heer sarre ah ayaan ka fileyna,imtixaan shahaadi oo nabadgelyo ku dhammaado ayaanan rajeyneynaa.Waxaan ammaan leh ardeyda sida heerka sarre ah imtixaanada uga soo baxa aqoontoodana ku meel mara barayaashooda illaalintana xushmeeya.

Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com