Shirweynaha Cilmi-baadhayaasha Somaliland-Tallaabo horre loo qaadey!
in Maalgelin lagu sameeyo Cilmi-baadhistu waa Aragtiyaha aynu hadda u baahida qabno,taasi oo ah in cilmi-baadhiso cussub la daah furo,la qoro isla markaasina bulshadda loo keydiyo.Qoridda,soo bandhiggida iyo keydinta cilmi-baadhisuhu waxa ay kaalin muhiim ah ugu jiraan maalgelinta Aqoonta casriga ah iyo guud ahaan Tacliinta sarre.Hadda Somaliland waxa ay ku Jirtaa mid ka mid ah wakhtiyadda ugu macquulsan ee kor loo qaadi karo cilmi-baadhisaha si mustaqbalka aqoon kasta loogu helo aragtiyo la dooran karo ,oo keydsan dad khibrad lehna ay uruurriyeen.
“Hadal badan oo aynnu wadno ama wax badan oo aan fasalladdeena aynu kaga dhex dooddno oo u baahan in cilmi baadhis qorran laga dhigo ayaa jirta”.Shirweynaha Cilmi-baadhayaasha ee ay soo qaban-qaabisey HIR Institute for Resarch and Development wuxuu weji cusub u yeellay aqoontii bulshaddeena ee marka horre aheyd dadkeenna oo dhan wax wey barteen amma afka uun inaga aheyd ee aan intaasi dhaafsiineyn, in loo soo bandhiggo hab nidaamsan oo ku dhisan waayo aragnimo cilmi-baadhiseed qiimeynteedana wadata,taasi oo dhan kalena aqoonyahan badan ku dhiirigelin doonta asaaska madalo cilmi baadhiseed si keyd badan loo helo.
Sannadihii ugu danbeysey Guud ahaan Dalkeena somaliland jaamacaddaha amma kulliyadaha jaamcadduhu waxa ay isku dayaayeen soo saarista tirro badan oo buuggag cilmi-baariseed ah si ay kor ugu qaadan helidda aqoon cusub oo keyd noqota,isla markaasina ay u muujiyaan doorkoodda ku aadan cilmi baadhista.iyaddoo taasi jirto haddana maanta cilmi baadhisahaasi badan ee bulshaddeenu meel rasmi ah oo ay keyd ahaan u yaallan lana dhiggey ma jirto aan ka aheyn wax kala daadsan oo meelo kala duwan ku beylahsan.
Daabacaddaha Majalladdaha iyo Cilmi-baadhista
Tirro kooban oo aqoonyahanka bulshaddeena ayaa fahansan amma aqoonta ay cilmi baadhista u leeyihiin ay gaadhsiisey in ay daabacaddo ku soo saaran majalladaha caalamiga ah iyo kuwa aqoonta sayniska sida (Indexed Journals and web sciences).daabacaddahaasi oo in ka mid ah dadkeenana loogu soo bandhigey si gaar ah,dad badana ay soo dhaweeyeen,waxa ka dhashey dedaallo hor leh oo badan kuwaasi oo cilmi badhayaal badan oo bulshaddeena ah u horseeday in ay iyaguna kaallintooda muujiyaan.Cilmi baadhisaha lagu daabaco majalladaha iyo wargeysyadda kala duwan waxa ay dhan kale muujineysaa in cilmi baadhahaasi wax aqoon ah oo la wada sugaayey uu soo saarey loona wada riyaaqey,iyada oo mawduuciisu uu ka gudbey dhammaan hab raacyada iyo halbeeggyadii saxda ahaa ee loo dhigey cilmi-baadhista si natiijo wax ku oolla loogga gaadho mawduuca baadhidu ku wajahan tahay.
Anshaxa Cilmi-baadhista iyo Cilmi-baadhaha
wakhtigan aan ku jirrno cilmi baadhisaha adduunka waxa ku batey,beenaha iyo soo qaadashada aragtiyo,qorraallo iyo xoggo aanu laheyn cilmi baadhisuhu taasi oo noqotey mid suuqa aqoonta cilmi-baadhista iyo curinta helida wixii cusub ku yeellata raad khaldan.waxa sida awgeed waxa haboon in aqoonyahanku noqdo mid anshaxa illaalinaya wuxu leeyahayna daabacanaya,halka ay tahayna in uu si cad u tilmaamo meelaha tixraacyadda aqoonyahanka kale laga soo ergistey.dhanka kale waa in daabacaddiisa iyo curintiisa hal-abuurka leh loo aqoonsado,lagu dhiirigeliyo,dhaqaalena loogu sameeyo.
Jaamacaddaha Dalkeenna iyo Cilmi-baadhista
Waa in Kulliyaddaha badan ee jaamacadduhu ay yeeshaan daabacado Joogto ah iyo dad wax u qora,wakhti iyo maalgelina la geliyo cilmi baadhista.Jaamacaddaheena ama Kulliyaddaha xiisaha u qaba cilmi baadhista waxa sidoo kale la gudboon in ay aqoonyahanka ay heystaan gaadhsiiyaan heerka darajada PHD ee ugu sarreysa,taasi oo keeni doonta in helaan cilmi-baadhayaal maqaalo badan oo cusub daabaca.wax kale oo la gudboon jaamacaddaheena in ay keydiyaan oo ay ilaaliyaan wixii xogg ah ee ka soo baxda cilmi baadhidaha la samee,si wixii la qabtey aanu u noqon wax iska luma oo ku dhex dayacma jaamacadda dhexdeedii.waa in Culeys la saarro barayaasha iyo bahda waxbarashadda si ay u noqdaan kuwo wax soo saar leh isla markasina hal ama laba maqaal soo saari kara bilihiiba.kulliyaddaha jaamacaddaheenuna waa in ay si kal iyo laab ah uga horumaraan dhanka cilmi baadhista ,macallimiintoodana u diyaariyaan soo saarista cilmi baadhiso cusub iyaga aqoontoodana kor u qaadaya.
Ugu danbeyntii waa in tayada cilmi baadhista iyo curinta aragtiyaha lagga dhigo mid ay ka muuqato aqoon,masuuliyadda bulshadda innaga saran,casriyeyn iwm.sidoo kale waa in cilmi baadhe kasta iska hubiyaa tayada cilmi-baadhistiisa,maankana ku hayaa in cilmi baadhistu aaney aheyn uu mid heer jaamacaddeed ah ee ay tahay mid bulshaddu si guud ay ugu bahan tahay masuuliyadna in la iska saaro ay tahay,dhaqankii bulshadda in la dhawrana rabta.Waanan hambalyeynaya aqoonyahankii kulanka shirweynaha cilmi-baadhista HIR ka qeyb gallay.
Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com