Ilowsho dhawaa ma ummul baa? (W.Q. Farduus Siciid Dirir)

Waa maahmaah soomaaliyeed oo gaamura cannaana lagu daahfuro

Januarius waa bisha ugu horaysa ee tiro aminka Roman kii hore (Gregorian calendar), waana halka ay ka timid bisha January ee ugu horaysa sanadka miilaadiga ah, macnaha ka danbeeyey magacaas wuxuu salka ku hayaa diintii Romankii hore, Romankii hore waxay janus u yaqaaneen Ilaaha soo dhowaynta bilowga cusub iyo sagootinta dhamaad kii hore ee la soo dhaafay waxaadna ku arkaysaa vatican sanam ka janus oo leh laba waji soo dhowayn iyo sagootin.

Ummadda reer Somaliland shantii sanoba waxaa u bilowda waa cusub oo wata rajadiisa, ifafaale wanaagsan iyo is badal ku yimaada xaga awooda, waxaa saaxada soo gala magacyo cusub, dhaqan cusub iyo kalmado cusub iyo aaban iraahdee xidid cusub, waxaanse marnaba dhicin xisaabtan maxaa inoo kordhay, maxaa inaga dhacay, maxaa khaldamay iyo maxaa inoo yaala.

Iska daa baadhitaan cilmiyeysanee mid xitaa caadifadaysan ma yimaado. Waa xalay dhalay. Bilaha ugu horeeya ee seefta kacaanka maamulka cusubi wato waxay ku bilaabantaa qorshe aan ahayn 100 sanno, 20 sanno iyo 5 sanno midkoodna hase yeeshee ku salaysan 180 ka habeen ee ugu horeeya, waa 6 da bilood ee ugu muhiimsan dalka iyo dadka aayihiisa nasiib xumo wuxuu ku dhamaadaa:

“Awood qaybsi, safaro, is abaal marin  iyo awood ku dagaalan ka dhex bilowda maamulka cusub, yaa dhegta madaxwaynaha haysta, marwada koowaad yey isku fiican yihiin.”

Waxaase murugo leh shacabkii doortay maamulka cusub waxay ku mashquulaan ciday doorteen halkay awooda saari lahaayeen waxay ku doorteen halkaa ayaa Alifka inaga xumaadaa Albaqra inagu dhibaa.

Shan sano ka hor ayuun bay ahayd markii xukuumaddan loo olalaynayey ee naf iyo maalba loo hurayey in uu taladda dalka qabto madaxweyne Siilaanyo. Isla Shan sano ka hor ayey ahayd markii Daahir Riyaale loo dhaaranayey ee loo tafaxaydnaa in kursiga laga tuuro iyadoo qabyaalad iyo tola’yeey aanay ka maqnayn.

“Maantana waa halkii carabtee maa ashbaha alayl bil baarixa.” shalay iyo maanta isu ekaa.

Waa Su’aalee maxaa inaga khaldan?

Muwaadinoow jawaabtu waa wax walba intii Somaliland dhisnayd wax af iyo dhaban hays ah ayaa soo baxay, Dal la burburinayo dad bahaloobay  iyo Diin dawgeedi laga baydhsiiyey, waa duni aakhirsamaanee masaajid waraabe u taagana sannadahan danbe la arag.

Xisbi furo, Xisbi ku biir, mid ka diga rogo kan kalena dilaal oo beeshoo dhan baan hayaa ku dheh, kuwii lagu guuri jiray soo kaxayso, qabiil walba qab-qablihiisa kala soo bax, tola’yeey dheh, deedna marba TV soo fadhiiso, marba xaflad yar qabo ama ha laguu qabto ama is farsamee oo is maal gali oo inamadda intaad lacag iska soo horaysiiso waxaad tiraahdaa TV ga iyo joornaaladda waa in uu ku soo baxaa soo dhowayntii qarniga oo siyaasi qawdhan saaka madaarka Hargaysa lagula kufay ilyartaa is qabatay iga dheh, ka dibna hadba dawladda wakhtigaas joogta ula kala bax. Ku qabso ku qadi maysidee maalmo ka dibna Madaxtooyadda ama kuwan wayda ahee mucaaridka mid uun baa kuu yeedhi, hudheelada Imbiiriyal, Layg Asal iyo Maansoor cagta ku badi.

Waa xisaab fudud shacabku iyagaa leh awooda horumarka dalka, iyagoo ka bilaabaya inay gartaan astaanta iyo tilmaanta hoggaamiyaha wanaagsan ee dalkan barwaaqo gaadhsiin kara, shacabku waa inay waxay doonayaan u cadahay, waxay diidayaana aan la hor keeni karin, ama qabyaalad ha lagu subko ama qaraabo ha lagu dheehee.

Maxay tahay waxaynu doonayno in uu inoo suurtowdo 5 sano ka dib, maxaynu doonaynaa inaan tirtirno oo caqabad inagu ah waa su’aalaha waafiga ah ee mudan in muwaadin kasta is waydiiyo, nasiib xumo shacabka ayaa danbiga dalka yaala hormood ka ah, sidaa awgeed Tiirarka Xoriyada Somaliland ku taagan tahay waa in dib loogu noqdaa, waxbaa khaldan Hadii maanta caqabada ugu balaadhan ee dalka ka jirtaa tahay mid Dastuuri ah waxay ila tahay waa in lagu kala baxaa hay’ada garsoorka dalka mise ceebteena maahee inamadii cadcadaa ayaan u habar wacanaa oon hadh cad hortooda isku ceeba faqnaa.

Miyaynu isu sabirnaa waa maalmo la tirin karee oo waynu isu tanaasulnaa shuruudana lagu xidhaa.

Rag ciil cadaab ka doorayee hadhuubka afka ciida ma u galinaa oo ma nidhaahnaa dalka sidaa lagu wada joogi mayo.

Waxaan ku soo gabo gabaynayaa Ilowsho dhowaa ma umulbaa wixii shalay aynu ku dooranay kan aan maanta caayayno miyaynaan ku nici doonin kan aan maanta u mashxaradayno.

 

W.Q. Farduus Siciid Dirir