Haamaha shidaalka Berber oo shirkad lagu wareejinayo

Kulan ay maanta wada yeesheen Guddiga Ilaalinta Hantida iyo Dabagalka Qaranka ee Golaha Wakiilada iyo Wasiirka wasaaradda ganacsiga Muuse Qaasim ayuu wasiirka ku xaqiijiyey in haamaha shidaalka Berber lagu wareejinayo shirkad sidaas waxa warbaahinta u xaqiijiyey xildhibaan Naasir Cali Shire ka mid Guddigaa.

Xildhibaanka oo ka waramayey arrimihii ay ka wada hadleen wasiirka waxa uu yidhi:

“Waxaanu aanu maanta la kulanay anaga oo ka kooban guddidayada ilaalinta hantida iyo dabagalka qaranku Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga waxaanu nooga waramay aarimo badan oo Wasaaradiisa khuseeya. Waxaana ugu horeyn ka wadda hadalnay kala xadaynta ganacsiga, taas oo uu wasiirku nooga waramay inay ku hawlan yihiin hadda oo ay gacanta ku hayaan.”

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

Sidoo kale waxaanu ka wada hadalnay arrintan aadka loo hadal hayo baryahan danbe ee ah haamaha shidaalka ee Berbera, sidaan ogsoon ahay waxa la hadal hayay in haamaha shidaalka barbera lagu wareejinaayo shirkado. Halkaas oo uu maanta wasiirka Ganacsigu noogu cadeeyey in arrinkaasi dhab yahay, waxa kale oo ay noo cadeeyey in ay iyagu wasaarad ahaan uun ay maamulaan laakiin marka ay noqoto qarashaad iyo lacag aanay shaqo ku lahayn.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Wasiirka waanu isku daynay inaanu waydiino wakhtiga iyo goorta haamaha shidaalka Berbera la wareejinayo, laakiin wuu ka gaabsaday Wasiirku hadalkaasi waxaanu noo sheegay inay yihiin ka wasaarad ahaan kuwa uu khuseeyo saxeexa u dambeeya ee wareejinta haamaha shidaalka Berbera.”

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Ganacsiga oo ah mid aad u balaadhan ayaad mooda wakhti xaadirkan shaqada ugu weyn ee wasaaraddaasi qabataa ay tahay xagga bixinta liisanada ganacsiga oo kaliya.

bandhige@gmail.com