Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay bahda garsoorka

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo dudidda cadaalada oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardar galin lahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo cadaalada.

Isla markaana loo xoojin lahaa cadaaladda maadaama oo cadaaladu tahay udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba.

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay muddadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay caddaalad ku heli karaan iyo sidii looga hortagi lahaa caqabkasta oo wax yeelaysa caddaalada layskuna meel dhigilahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo weliba xubno ka mida gudidada caddaalada iyo garsoorayaasha maxkamadda xubno ka mida.

Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay in uu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinaado caddaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hoggaamiya wanaag, sinaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Kulanka ayaa wakhti dad badan ay ka rajo dhigeen bahda caddaalada, inkastoo maalmihii u danbeeyey ay xisbiyada mucaaridku ay kalsooni badan u muujiyeen Maxkamadda Sare.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com