– Inagaa shaqo la’aanta dhallinyarada dhaliilna, Hadana ajaanib shaqaaleysiina.
– Inagaa qabyaaladda neceb, Hadana habeenkii raas raas u shirna.
– Inagaa dhallinta tahriibka ku dhimaneysa ka naxna, Hadana ehelkeen khad/line u wada raadina.
– Inagaa sixir bararka iyo qiimo-dhaca shilinkeena ka qaylina, Hadana Zaad wada leh.
– Inagaa jecel maalgashiga, Hadana nidhaah ceelkayaga/dhulkayaga/buurtayada lama taaban karo.
– Inagaa kalluunkeena jecel, Hadana ka Thailand ka doorana.
– Inagaa nadaafadda guud cid ku canaanana, Hadana xashiishka wadooyinka ku tuurna.
– Inagaa saluugna xildhibaan la doortay, Hadana soo sharaxna, codka iyo maalkana siina.
– Inagaa wadooyin wanaagsan rabna, Hadana wadooyinka dhisana.
– Inagaa markaynu lugaynayno wada taraafik ah oo sharciga ilaalina, Hadana markaan gaadhi wadno wada jebina.
– Inagaa horumarka guud jecel, Hadana ka gaarka ee shaqsi neceb oo xaasidna.
– Inagaa abaarta berri ina dhibtaa, Hadana roobka maanta aan ka faa’iideysan.
– Inagaa guurka dhiiri-gelina, Hadana baayacna.
– Inagaa qaadka neceb, Hadana quud awliyo nidhaah.
– Inagaa mujaahidiinteena jecel, Hadana abaal-marin.
-Inagaa wanaaga wada jecel, Hadana xumaantana faafina.
– Inagaa wada walaalo ah, Hadana waraabe isugu filan.
“Inagaa sidana, Hadan sidaasa!!!!”
Waxa Qoray: Cabdisalaan Maxamed Maxamuud