Weerar iskugu jira qarax iyo rag hubaysan oo ka dhacay badhtamaha caasimada Afqaanistaan ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 28 qof, sidoo kalena waxa ku dhaawacmay 329 qof.
Weerarkan ayaa waxa gaystay qof watay gaaddhi lagu soo xidhay walxaha qarxa, kadibna waxa rag hubaysani weerareen dadkii qaraxa ka baxsanayey, goobtan ayaa waxay ahayd goob ayey dadku ku badan yihiin.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in weerarka uu hadda istaagay oo meesha dadka laga bixiyay.
Dadka qasaaruhu soo gaadhay ayaa waxay u badan yihiin dad rayid ah.
Afhayeenka Taliban ayaa sheegay in ay weerarka ka danbeeyeen.
Weerarkan ayaa waxa uu imanayaa todobaad kadib markii ay ku baaqeen kooxda Daalibaan in ay bilaabayaan weeraradii xiligan oo kale.
Sidoo kale waxay ka digeen weeraro waaweyn oo ka fuliyaan guddaha Afqaanistaan kuwaas oo ay ku bartilmaameedsan doonaan goobo muhiim ah.